Advertisement

Responsive Advertisement

Gorfayn–DHABANNAHAYS.


Gorfayn: dhiganaha DHABANNAHAYAS– dhurwaagii dhiman waayey.



Hordhac.

“Ninkii Timir beeriyo, kii Tiin Tallaalayba, Taariikhdu way qori”

-Cabdulqaadir xirsi yamyam.

Qiyaasta dhamaadka bishii 9 aad, kal-tirsigan aynu ku jirno 2020, ayaa buugga “dhabannahays” si rasmi ah ugu soo biiray saaxadda dhiganeyaasha ku qoran af-soomaaliga. 

Bogagga buuggu waa 256. Sidoo kale cutubyadu waa 22 cutub.

Waxaa qoray dhiganehaan kuna farayaraystay ustaad Maxamed Gaanni. 

Buuggan waxaa hannaan cuddoon u daabacay una naqshadeeyay madbacadda Garanuug.

Qoraaga dhiganehaan waa ustaad Maxamed Gaanni e, wuxuu qoray dhowr buug oo uu ka mid yahay buugga ku qoran luuqadda afka-carbeed lana yiraahdo ( الفتوحات الإلهية في نُصرةُ التَّصُوف الحقَّ الخالي مِن الشوائب البِدعيّة ).

Sidoo kale wuxuu soo far-geddiyey ama tarjumay buugaag ay ka mid yihiin: buug uu qoray sheekh caydaruus cali abii bakar al-nadiiri al-calawi (Yoolgaar, taariikh soomaaliyeed) iyo (ممو وزين) oo uu soo carabiyeeyay Maxamed saciid ramadaan.

(المنقذ من الضلال والمفصح بالأحوال) oo uu qoray imam abuu xaamid Al-qazali.

Qoraagu waxa uu buuggaan u hibeeynayaa bulshada soomaaliyeed ee ay daashadeen colaadaha aan dhammaadka lahayn; guud ahaan dalkan ay “waxmagaratadu” la dageen ayna badeen silica iyo darxumada haysata; mujrim walba oo ismoodaya inuu waxsan falayo iskuna haysta inuu hillin toosan hayo; aadane kasta oo wali damiirkiisu noolyahay…

intaa kadib waxay ila tahay in buuggan uu yahay mid jaad kale ah! Waayo dhinac kasta markaad ka eegto xag naqshadeed, ama xag qoraalba waa mid jaadkiisu ku yaryahay saaxadda dhiganeyaasha af-soomaaliga ku qoran.

Tusaale: badanaa buugaagta af-soomaaliga ku qoran waxaa macquul ah in ibbo-fur looga dhigo hadal xikmad ah ama-ba nis gabay ah oo markaa xiriir la leh waxa uu qofku rabo inuu soo gudbiyo. balse “DHABANNAHYS” waa uu ka duwanyahay. Judhiiba markaad buugga saas u kala furtid ba baalka koobad ama labaad waxaa ku qoran aayad qur’aan ah. u gudub cutubyada, mid kastaa–uuna sheegay qoraagu– waxaa ibbo-fur u ah aayado qur’aan ah oo mid kastaahi ay la xiriirto (related) cutubka ama waxa laga hadlayo. 

Sidoo kale goorta aad jaldiga kore ee buugga isha ku dhufatid ayaa waxaad dareemaysaa in buuggu gudbinayo farriimo culculus oo u baahan in la guntado, deedna la fuliyo intii fulin u baahan. Sidoo kale hab qoraalka wacan ee loo dhigay ayaa ah waxyaalaha kugu riixaya ama dhiirri galinaya inaad akhrido. dabcan labadaba xiiso gaar ah ayey ii sameeyeen aniga. 

Gudogal.

“DHABANNAHAYS” waa buug u qoran sida sheeko oo kale, oo bilow illaa iyo dhammaad waxaa inoo warramaya dhurwaa muuqa kore uga eg bani’aadamka kaas oo aan inoo reebayn–inyar na alle ha ka dhigee, siraha iyo tabaha uu u isticmaalo curyaaminta iyo boqnogoynta bulshada;Wuxuu inoo faqayaa–waxaad ba moddaa inuu nala showraya e– sida uu u soo xero galiyo uuna u dhurwaayeyo qaybaha kala duwan ee bulshada, hadday ahaan lahaayeen siyaasiyiinta, culimada, ganacsatada, duqayda, dhallinta iyo haweenka.

Sidoo kale waxa uu caynaaninayaa bulshada inta damiirka leh ee wali ay naftu ku jirto. Inkastoo qudhiisa uu inoo sheegayo inaysan jirin ummad u diyaar ah inay yur iska yirahdaan, haddana si aysan mugdi ku jirin wuxuu inoogu sheegayaa hababka iyo inta wadiiqo ee aynu kaga libin keeni karno. 

Sidaan horay u xusnay, buuggu waxa uu doorbinka toos u saarayaa dhibaatooyinka faraha badan ee la haray bulshada soomaaliyeed iyo halka bud-dhigga u ah. 

Waxa uu tooshka la daba galayaa dhammaan inta “QORIS-MARISKA!” ah ee jiqda dhiigga bani’aadamka, haba ugu horreeyaan kuwa majaraha u haya bulshada e. Waxaanan ka yaraysan kuwo badanoo dhurwaagu uu qaadsiiyey cudurkiisa oo dhurwaayoobay, kuwa ku shaqaysta magacyada soo jiidashada leh sida “Ururka xaquuq raadinta haweenka!” iyo in kaloo ciiddaa ka badan.

DHALASHADAYDII, waa cutubka ugu horreeya ee buugga; waxa dhalashadiisi inooga warramaya waa dhurwaagii dhiman waayey e, wuxuu inagu jalbeebinayaa casharro ku saabsan sidii uu ku dhashay iyo sida uu xaal ahaa goortii uu inagu soo waheliyey kownkan. 

Waxa uu ku bilaabayaa waxa ay dhalashadu uga dhigantahay dadka. Waxa uu leeyahay: dhalashadu waxay ruux walba uga dhigantahay fursaddii ugu qiimaha badnayd ee uu abidkii helay, la’aanteedna uusan ka baxeen caalamka waxa aan jirin. Waxa uu ku darayaa in qaar ka mid ah noolayaasha ay maalinka dhalashadooda weyneeyaan ayna samystaan xus. Dhurwaagu waxa uu sheegayaa–inkastoo lagu kala ra’yi duwanyahay arrintaa xuska iyo weyneynta–in isaga ay ugu muuqato si kale. Wuxuu leeyahay: “aniga waxay iigu muuqataa in ay tahay xeelad la isku illawsiinayo maalmihii adkaa iyo wixii ruuxa ka dhacay ee gef ahaa, werwerka culus ee waxa soo aaddanna lagu suuxinayo”.

Intaa kaddib waxa uu sheegayaa in uu dhashay waagii uu aadanuhu dareemay baahida ay u qabaan qaybsiga waxa u dhex ah iyo isxukumidda, wuxuu intaa raacinayaa inuu ahaa kan caynaanka u hayey. daaha ayuu inooga sii qaadayaa goortuu dunida yimid siday wax ahaayeen, wuxuu leeyahay dunida waxaan cagta soo dhigay maalintii uu baayacmushtarku noqday mid aan waxba xeerinayn, oo kaliya u shaqaysta calooshiisa. Sidoo kale wuxuu inoo tibaaxayaa in xukun jacaylka aadanaha ee ah u talinta qoys ilaa ummad dhan ay tahay waxa uu ka unkamay. Dhibaatada iyo nuglaanta bulshada waa hubka ugu weyn ee uu dhurwaagu ku hawl galo.!!

Qoraagu waxa uu u gudbayaa ISBEDDEL, oo ah cutubka labaad. Waxa uu inoo casharayaa in imaatinka aadanaha ay ka dhalatay isbeddel xaaladeed, oo Eebbe weyne abuurtiisu ay tahay isbeddel; in samaanta iyo xumaanta ay yihiin kuwa ugu tun weyn ee sababa isbeddelka. 

Soomaalida, waxaa aad ugu dhexfaafay labo eray oo laga yaabo inaad wax yar ka hor aad ku hadaaqday ama aad soo xariiqday, waa ‘‘LAANDHEERE iyo LAANGAAB”. labadan eray waa natiijada ka dhalatay jallaafooyinka iyo isqabadka bulshada, waana erayo loo kala bixiyo labo bulsho oo midna sharaf iyo qaayo loo yeelayo halka kuwa kale na la liidayo. Balse sida uu inoo caddeeyay Qoraagu, waxaa marag-ma-doonta ah in isbeddel ay ku yimaadeen ase, ay ku dambayn doonaan ISBEDDEL.


sidoo kale qaybtan waxa uu qoraagu xoogaa isdul taagayaa dulduleelaada u sababta ah isbeddel la’aanta bulshada soomaaliyeed, si kastooy dowlad cusub u yagleelaan ama loo yiraahdo isbeddel baa dhacay!. wuxuu ka dhawaajinayaa in markii isticmaarka la iska dul qaaday oo dowlad la noqday aysan dadku wax horumar ah ka samyn xagga ISBEDDELKA. waxay ahayd buu leeyahay Qoraagu, in bulshada soomaaliyeed loo diyaariyo siday u maamuli lahaayeen dal ay bulshadiisu badankeed tahay ree guuraa ay qabyaaladdu lafaha ka gashay ase, Magaalada si tartii-tartiib ah u soo galaya iyo waliba kuwa magaalada jooga ee dhaqamadii ree galbeedku saameeyeen. wuxuu carrabka ku adkaynayaa in heerka fahamka dowladnimo ee bulshada sare loo qaado ay ka mid tahay ayna ka qayb qaadato in laga gaashaanto burbur qaran iyo in qabyaaladdu ay weydo boos.

Qofka soomaaliga ah waa qof ay qabyaaladdu uga horrayso wax kasta. xitaa haddii ay tahay arrimaha masiiriga ah iyadaa kow u ah. Tusaale haddii qof ku hayb ah uu talada waddanka hayo uuna hillin aanan toosnayn ku wado, halkii uu ISBEDDEL raadin lahaa, waxa uu hiil yo hooba u hurayaa shakhsigaa ay isku haybta yihiin!. hadaba Qoraaga oo talo macquul gal ah bixinaya ayaa dadka noocaas ah usha ugu dhufanaya waxa la gudboon ee ay ku dhaqaaqi lahaayeen. Waxa uu waydiinayaa waydiimo aad u culus ahna in qofkii damiir lahi uu jawaab ku habboon u helaa, Tan iyo waagii la unkay waa adigii sugayay, dariiqana u taagnaa e, maxay nolashaadi shalay, tan maanta, iyo taas berri ahba ku darsadeen xilqaadayaashii jifadiinnu?! 

In halbeeg ka duwan kan hadda lagu eego xildoonayaasha ayaa ah arrinta kaliya ee caymo iyo cawro celin noqonaysa, in sidoo kale aad ku kacdoontid dhiigga qabyaaladda ee lafahaaga cardaadiiqda ka dhigay ayaa ah sababaha ISBEDDEL dhab ah keeni kara ee qoraagu carrabka ku dhufanayo.

Intaa kaddib waxa uu Qoraagu u gudbayaa cutubka saddexaad, DAMACA. Wuxuuna inoo iftiiminayaa in DAMACA uu yahay sal iyo baar kan u sabab ah wax kasta oo xumaan ah oo ka dhex dhacda aadaanaha, ayna tahay in xal raadinta dhib kasta laga dhex baaro Cudurkan aan wali laga daaweyn bulshada.

Qabyaaladda, Gowraca, kursi u dirirka, maal dhicidda, ayaa uu leeyahay waxay ka dhasheen DAMACA. sidoo kale waxa uu Qoraagu inoo sheegayaa in damaca uu yahay kii sababay kala irdhowga qoysas badan oo ka unkamay jacay dhab ah, sidoo kalena uu yahay kii u sababta ahaa in dhiig si bilaa xaq ah loogu daadiyo dunidan.

Qabka, quursiga iyo sedbursiga ayaa uu Gaanni inoo sheegayaa in ay yihiin u-adeegayaasha ugu cadcad ee damaca. Waxa uu inoogu soo koobayaa qaaciddo falsafadaysan oo dhahaysa: Qab+Quursi+sedbursi= Qabyaalad. bahasha qabyaaladda ahna waxay Aabbe iyo hooyo u tahay cudurka DAMACA (Qabyaaladd=Damac).


Marka aynu ka gudubno qaybtan, waxaan u tagaynaa labada cutub ee isku xiga, DAMIIRLAAWE iyo HABQAN & HALIS. Waxa uu Qoraagu cutubka hore uga hadlayaa sida habboon ee uu qofku damiirkiisa uga fogayn karo wax kasta iyo dabarro walba oo ay nafsaddu u xirxirtay. Waxa uu intaa ku darayaa in laga daawoobi karo damiirlaawenimada, hallaasiga iyo hallowga, goortii uu qof kastaahi uu jihaad la galo nafsaddiisa uuna isagu marka hore is-hagaajiyo. Badankood dhibaatooyinka ina haysta waxaa ugu weyn damiirlaawenimada. Waxa uu Qoraagu tooshka ku ifinayaa in isduldhiggii, dulqaadkii, quuriddii, nafhuriddii iyo qiimayntiiba ay lumeen ayna baddeleen: islaweyni, cadgoosi, Kelicunnimo, naf jacayl iyo yasid. Waxaana u sabab ah damiirlaawenimada. 

Cutubka kale wuxuu aad uga hadlayaa Qoraagu, in cilmiga iyo waxkasta oo aad ka oommantahay aad u dabo fariisatid dadka cilmiga u leh, ee lagu tuhmayo. Sidoo kale waxa uu wax ka taabanayaa dadka cilmiga leh ee aan cilmiga la aadayn halkii ku habboonayd. Wuxuu intaa ku darayaa in ay lagama-maarmaan tahay in majaalada kala duwan ee jira la aado halkii hal shey loo wada badan lahaa uuna sababi lahaa isku dhexyaac iyo hallow badan. Dadka aqoonta leh ayuu ku boorrinayaa inay iyagu dadka u noqdaan hormuud ku haga waxa san.

GUULWADANIMADA, waa waxa ugu weyn ee qofka duudsiiya xaquuq faro badan. Waana waxa dadka madaxda ah ku dhiirri galiya in waxqabadkii bulshada ee waajibka ahaa ay la noqoto wax aanan muhiim ahyn, illeen iyaga ayey ka arkeen e. Waxa uu carrabka ku dhufanayaa in daacadnimada, caadifadnimada iyo dhuuni raacnimada ay yihiin kuwa dhaliya Guulwadanimada.

Intaa kaddib waxa uu tilmaamaya Qoraagu aqoonyahanka soomaaliyeed inay noqdoon kuwo QALINDHUUGYO ah, ayna yihiin kuwo aan ka soo bixin ama ka soo dhalaalin booskoodi. Waxa uu intaa ku darayaa in bahda qalinka ay yihiin kuwa looga fadhiyo inay u qalab qaataan hagaajinta nidaamka waxbarasho ee dalka. 

Intaa kaddib waxa uu isdultaagayaa kooxo badanoo uu dhurwaagu ku daartay suntiisa aan laga soo waaqsan, kuwaasi oo kaalin lixaad leh kaga jira bulshada sida KHAMIISLEY, oo uu Qoraagu kaga hadlayo wadaadada xaqqa la aamusan, wadaadxumaha turaanturradiisu ay xadka dhaaftay iyo wadaadada firqooyinka ciidda ka badan samystay–halkii ay bulshada gacan qaban lahaayeen, u horseedaya hillinka naareed. 

Intaa waxa uu uga gudbayaa KOOFIYADLEY iyo GOROF TAY XIRAN. labadaan waxa uu uga hadlayaa dhallinta habowsan ee isku malaysa inaysan jirin cid ka saxan iyaga, baddalayna dhaqankii wanaagsana ee bulshada soomaaliyeed. Waxa uu kan kale inoogu soo bandhigayaa sida ay macno beeleen dadkii aqoonta lagu tuhmayey; sida ay oday dhaqameed bariiskiisa un dhacsada ay u dabo fariisteen oo ay aqoontii iyo shahaadadii meel cidlo ah ugu tuureen.

Dhurwaagii dhiman waayey asagoo sheekada halkeeda ka haya ayaa uu inoo sii biisayaa wax allaalle iyo wixii gudihiisa ku jiray, waxa uu iftiiminayaa in xildoon kaste oo soomaali ah uu u ordayo siduu u kasban lahaa adduun ama u heli lahaa magac iyo mansab, taas oo ku dambayn doonta inay musuq ku dambeeyaan ayna MA-DHERGEYAAL badani halkaa ka beermaan. Markii musuqu baahana waxaa ka dhasha dhibaatooyin badan ayna ka mid tahay BAAGAMUUDDO baahsan, taas oo sababta in dhallintu ay baylaha u noqdaan dhibkasta.

Qoraagu wuxuu u gudbayaa ARRADAN, oo ah cutubka afar iyo tobanaad. Dhurwaagii ayaa inoo sheekaynaya e, wuxuu ku taagtaagsanayaa sida bulshada soomaaliyeed ay uga arradanyihiin nolosha dhinac kasta, hadday ahaan lahyd waxbarashada, caafimaadka, khayraadka dhul iyo barriba ceegaga.  

Wuxuu afka ku dhufanayaa, garashada gaaban ee bulshada taas oo horseedday in siyaasi dantiisa un quuddaraynaya uu suud iyo shaahado suuqa uu ka soo qaatay ku harawsado, ase ay raalli uga ahaadaan. Waxa uu soo socdo wuxuu imaanayaa CASHUUR iyo ISBAARO, halkaa oo uu tooshka ku qabanayo ciidamada shaatiga dowladeed wata ee aan fahansanany inu u dhhaaratay difaaciddaada, balse lacagta u aruuriya dhurwaayada. Waxa uu kula talinayaa inta ku hoos nool dhurwaaga inay “garasho” la yimaadaan kahor intaysan halgamin. 

Waxaa uu iyadana tilmaamayaa in ay bulshadu garato danta guud oo ay gartaan halka ay masuuliyaddu ka qoollantahay, ayna ka baaraan dagaan cidda ay taladooda ku aaminayaan.

Sidoo kale FOOD-DHEEREYAASHA ayaa uu nasteexaynayaa oo kula talinayaa inay ka digtoonaadaan dhaldhalaalka adduunyada iyo dhalanteedka raaxada. Fadhi-ku-dirirada aysan shuqul ku lahyn, fadhiisiga baararka ee aan xaddidnayn iyo daawashada ciyaaraha iyo musalsalaadka aan ujeedka lahyn ayuu foodlayda kala talinayaa.

 Qoraagu ma uusan ka tagin wax-ka dhihidda haweenka soomaaliyeed ee loo soo shaqo tagay; habdhaqannada xun ee lagula kaco, sidii iyo habkii looga hortagi lahaa xuma-doonayaalka shaqada ka dhigtay. sheegidda doorka ay bulshada kaga jiraanna kama uusan tagin.

Isa saamixidda waa dawada kaliya ee lagu daawayn karo tabasho kasta iyo belo kasta oo bulsho dhextaal. hadaba, Qalinka Gaanni, waxa uu caddaynayaa in barnaamishyada loogu magac daray “ISCAFIS” ee xoogaaga sandareertada ah lagu raadsho aysan bulsho qarniyo isa soo dilaysay aysan nabad dhexdhigi karin e, loo baahanyahay in qofkastaahi la yimaado karti iyo Geesinnimo, uuna isxilqaamo; in shaqsi kasta wixii laga haysto uu ku baddesho cafis; kii sabri waayana uu caddaalada u cararo.

HALGAN waa laga maarmaan oo nolosha binii’aadamka ayaaba ku dhisan. Waa in la kacaa oo la ila dagaalamaa ayuu leeyahay dhurwaagan xogtiisu ay inagu noqotay dhabannahayska. Isagoo aaminsan inaysan jirin cid yur iska dhihi doonta ayuu ku soo gabogabaynayaa xogwarrankiisa DHIMAN MAAYO!! 


Gunaanad.

Guntii iyo gabogabadii, sida muuqataba wax dhaliil ah oo aan u hayo buugga ma jirto, wixii khalad higgaadeed ah ee jirayna isaga ayaaba faafiyey.

Intaa kaddib waxaan halkaan ka bogaadinayaa Ustaad, Qoraa Maxamed Gaanni oo waqtigiisa u huray siduu inoogu soo gudbin lahaa xogahaan laabtiisa ku jiray ee waxtarka inoo leh annaga iyo kuwa aan wali dhalan. Waxaan rajaynayaa in Qoraayaal badani aad u noqon doontid tusaale, ayna tubta aadka u cajiibka badan ee aad qaadday ay mari doonaan iyaguna. 

Sidoo kale, waxaan kula talinayaa asxaabta aan wali akhrin dhiganehaan inay baadi goobaan oo ay caalamkaa cusub ay gaaraan. 



Qalinkii: C/risaaq Xasan Ashkir.

Muqdisho, 2 Dec, 2020.


Email: engashkir97@gmail.com 

Web: https://engashkir.blogspot.com



Post a Comment

0 Comments