Gobolka Gedo waa dhul intiisa badan ay maraan webiyo iyo togaga waawayn kuwaa oo ka yimaada dhulka sare ee itoobiya (Ethiopian highland). inkastoo sidii ay ahayd aan looga faa’idaysan, biyahaa waxaa ku tiirsan dad fara badan oo beeralleey iyo xoolo dhaqataba leh. balse xilli roobaadyada waxa ay galaaftaan nolosha malaayiin qof oo siyaalo kala duwan ay u saameeyaan.
Gobolka waxaa asbuucaan oo dhan ka da’ayay roobab mahiigaan ah oo bilow u ah xilli-roobaadka dayrta. Daadad iyo fatahaado ballaaran ayay roobabku dhaliyeen. ilaa iyo hadda inta la ogyahay dad toban aan ka yarayn baa ku dhintay, halka kumanaan kunna ay ku bara kaceen.
Magaalooyinka ugu daran ee saamayntu gaartay waa kuwa dhaca wabiyada jubba iyo daawo, sida luuq, doolow, buurdhuubo, baardheere, iyo garbahaarrey oo buuro iyo togag waawayn ay ku hareeraysan yihiin.
Magaalooyinka, sida baardheere iyo buurdhuubo waxa la sheegayaa in biyuhu ay buundada ka saramareen taas oo la micna ah in sara joogga biyaha fatahay ay ka badan yihiin 1.5m waxaana macquul ah in ay kasii sarreeyaan. Waxaa laga cabsi qabaa in buundooyinku ay go’aan. Luuq oo ah magaalo webigu ku hareeraysan yahay oo jasiiro la mood ah hal albaabna leh ayaa biyuhu isgaareen waxaana sidaa ku xirmay halkii waddo. Dhinaca kale dhul fidsan oo webiga u jira ilaa 1–2km oo badankiis ay beerihii yihiin ayay fatahaaddu gaartay.
laga soo bilaabo dhammaadka asbuucii hore iyo kan hadda aan ku jirno roobabka da’ay ayaa celcelis ahaan waxa ay ka badanyihiin roobabkii sida caadiga ah saddexda bil ee dayrta di’i jiray. Koonfurta soomaaliya, celcelis ahaan saddexda bil (Oct, Nov, Dec) roobabka da’a waxaa lagu qiyaasaa 90–100mm, balse kuwa dhawrkaan asbuuc da’ay ayaa intaa ka badan oo waxaaba la leeyahay hal maalin ayay intaasu da’day! bal qiyaas waxa dhici kara saddexdaa bil?! ilaahay ayaa jira.
Qaylo dhaan.
Haddaba xaalku kama duwana wixii dhacay hillaadii 1997, dayrtii biya-badan. Goballo badan oo dalka ah ayna Gedo kow ka tahay waxaa harqiyay biyaha roobabka iyo webiyada tankoodi ka sara maray.
Maadaama aannu dhab ahaan nahay dad cidu aysan u maqnayn ceelna u qodnayn, marka laga reebo Eebbe Wayne, waa in si guud dadka soomaaliyeed ay iskugu gurmadaan si gaar ahna kuwa ree Gedood ay fadhiga kaga kacaan. Waa in santuuqyo deeq ah oo dadkaa wax loogu qabanayo la furaa; waa in dadka degaanno nabdoon loo sii raadiyaa; waa in badeecada iyo raashinka sicirkiisa hoos loo dhigaa oo dadka aan lagu qaaliyayn.
ilaahay baa gargaar leh.
Cabdirisaaq Xasan'oog.
Muqdisho, 2023.
0 Comments