Advertisement

Responsive Advertisement

Dhaalibaan.

Ururka dhaalibaan: waa kuwama daalibaan, se ujeedkoodu waa maxay? Shabaab iyo iyaga farqi noocee ah ayaa u dhaxeeya, se ma laga yaabaa in soomaaliya ay wajahdo xaaladda Afghanistan oo kale?
asbuucyo kahor ayay ahyd markii dadka u kuurgala ama falanqeeya arrimaha amniga ay sheegeen in ururka dhaaliban ay talada dalka Afghanistan kula wareegi karto dhawr asbuuc ama bilooyin. Balse dhab ahaan, taa waa ay beenowday oo muddo aad uga yar intii la odorosay ayay daalibaan talada dalka gaacntooda soo galiyeen.

Maalinimadii Axadda, 15 agoosto ayay dhaalibaan si rasmi ah ula wareegeen magaalo madaxda dalka Afghanistan ee kaabul, waa halkii 20 sano kahor laga raacdeeyay e. Kursigii uu Ashraf ghanni ka cararay ee dalka laga maamulayay ayay ka dul aqriyeen khudbaddii guushooda, iyagoo qoryo fudfudud wata oo diraya farriin u eg: innagu baryo kumaana qabsan dalka!

dadka badankood iyo caalamkoo dhan ba waxaa la yaab ku noqday sida xawliga ah ee daalibaan ay dalka ula wareegtay. ilaa hadda waxaa la isweydiinaya halka ay ka baxeen ciidamadii dalka loo tababarayay ee sida aan caadiga ahyn loo qalabaynayay 20 kii sano ee la soo dhaafay. Tiro kor u dhaafaysa 30,000 oo ciidan ah ayaa la sheegaa in Afghanistan loo tababaray, se juhdigii la galiyay waxaa hal bacaad lagu lisay ka dhigay niman bushkaleetigu uu u ahaa gaadiid!.

waa kuwama dhaalibaan?

Qandahaar, waa halka ay ka soo unkumeen xarakada dhaalibaan. Madaxyawenta talada u haysa ururka, iyo kala bar dagaalyahiniinta waxa ay ku abtirsadaan gobolka qandahaar oo ah halka ay ku xoogganyihiin qabaa’ilka Pashto. Sida aad ereyga ka dheehan kartaanba dagaalyahiniintu waa ardaydii dugsiyada kala duwan ee islaamiga ah, sababtaa ayayna magaca dhaalibaan oo ah “Arday” ula baxeen.

Dhaalibaan waxa ay ka farcameen xoogaggii iskacaabinta ee afgaaniyiinta ahaa ama sida guud loogu yeeri jiray “mujaahidiinta” kuwaasoo dagaal kula jiray midawgii soofiyeed ee dalkooda ku soo duulay sanadihii siddeetamaadkii. Arday uu hoggaaminayay mullah muxammad cumar ayaa sanadku markuu ahaa 1994-kii dhidibada ugu taagay ururka gobolka qandahaar oo xudduud la leh dalweynaha Pakistan, halkaa oo 1,500 oo culima aw diinka afgaanistaan ah ay heshiis kula galeen. intaa wixii ka dambeeyay wadaadka waxaa loo aqoonsaday inuu yahay amiirka mu’miniinta–sidaa waxaa qaba xanafiyada oo ah madhabka ay dhaalibaanku badankood haystaan.

sanaddu markay ahyd 1996-kii ayay gacanta ku dhigeen caasimadda oo markaa ay ku loolamayeen xoogag kala duwan oo ka soo kala jeeday qabaa’ilada dalka. Kooxdan, ujeedkii loo aasaasay waxay ahyd dhaqan galinta iyo ku maamulidda dalka shareecada islaamka, iyo in dhammaan, nooc kasta oo ay tahay, la joojiyo faragelinta shisheeye ee dalka lagu hayo. Dalka oo markaa wajahayay daruufo aad u daran oo dhinac kaste ah sida dagaallo ahli ah, iyo amni darro baahsan, ayaa isbedalay. inkastoo ay dawlado aad u kooban ay aqoonsadeen, sida Pakistan, sacuudi iyo imaaraat, haddana dunida islaamka aad ayaa looga soo dhaweeyay, oo waxaa loo arkayay bilawga dib-u-helidda dawlad islaami ah.
Ree galbeedka iyo dadka la dhacsan ba, ma aysan soo dhawayn arrintaa ay dhaalibaan waddo. Waxay qiil ka dhigteen in ay cadow ku yihiin “bini’ aadanimada” oo aysan haweenka, iyo carruurta aysan xaq agtooda ku lahyn!

Sebteembar 11, 2001, ayayse wax kasta isbadaleen. 19 nin ayaa afduubtay afar dayuurado ganacsi oo laga leeyahay dalka maraykanka. Labo kamid ahaa dayuuradaha waxaa lagu dhuftay daarihii ganacsiga, halka labadii kalena mid lagu dhuftay aqalka pantagon-ka, tii kalena lagu dhuftay gobolka Pennsylvania meel ka mid ah. Qasaaro weyn oo lagu sheegay inay 2,700 kor u dhaafayaan ayaa ka dhashay. Dhacdadaa waxa ay noqotay sabab lagu weeraro ururka dhaalibaan, iyagoo uu maraykanku ku eedaynayo inay diideen u soo gacan galinta hoggaamiyihii alqaacidado usaama bin laadin oo lala xiriiriyay inuu isagu lahaaa qorshaha afduubka dayuuradaha. dhawr beri kaddib weerarkii daaraha, maraykan iyo xulafadiisi dagaal ayay ku qaadeen dhaalibaan. sidaas ayaana daalibaan looga maroojiyay xukunkii Afghanistan. Balse isma ay dhiibin e, waxay dagaal ku dhufoo-ka-dhaqaaq iyo dhuumaaleysi ah la galeen gumaystihii soo duulay ee maraykan iyo xulafadiisi, kaas oo ay ugu dambayn guul ka gaareen, dalkiina ay iyagu u hareen.

Hoggaamiyayaasha safka hore.

Ururka dhaalibaan waa urur nidaamsan oo si heer sare ah loo dhisay haykal ahaan. Wuxuu leeyahay amiir, ku xigeenno iyo labo gole(goloyaal shuuro) oo kala ah mid guud oo qolo walbe leh tiradoodana ay cayimantahay oo gaaraya 70 qof[ baarlamaan yar oo kale] iyo mid sare oo ay ku jiraan cirroolayaal iyo rag madaxyaweyn ah. Sidoo kale waxaa jira golaha wasiirada, hay'adda fatwada, iyo hoggaanka ciidamada.
amiirka ururka waa mawlaay haybatullahi akhunsada. Waa nin aqool yaqaan ah;ahna xerow masaajidda aan ka bixin, wuxuuna ka mid ahaa jiilkii aasaasay ururka daalibaan. Wuxuu talada kala wareegay amiirkii labaad mullah akhtar muxammad mansuur oo lagu dilay duqayn diyaarad.

Shabaab iyo dhaalibaan.

Si guud, soomaaliya iyo afgaanistaan waxa ay iska egyihiin meelo badan. Soomaaliya markii laga sheekaynayo waa dal xaalado kala geddisan soo maray, nabad iyo colaad ba. waayo badan waxaa geeska afrika ka aloosanaa colaado caynba cayn ah, soomaaliduna waxaa la dhihi karaa waxay ka ahaayeen unugga ugu firfircoonaa, Tusaale loolankii kirishtaanka iyo islaamka ee geeska afrika soomaalidu door weyn ayay ku lahaayeen oo islaamka–geeska afrika–waxaa caynaanka u hayay soomaalida. Imam axmed gurey iyo sayid muxammad C. Xasan ayaana la garan karaa inay yihiin hoggaamiyayaashii har iyo jiif ba u diiday soo-duulayaashii saliibiyiinta ahaa. halgan dheer kaddib soomaalidu waxay heleen dawlad. intaa wixii ka dambeeyay, isbedello ay hor seedeen siyaasado isdiidanaa ayaa soomaaliya ka dhacay, sida in dalku qaatay nidaamkii hanti wadaagga, sanooyin dabadeedna xaggaa iyo hanti goosadka ayuu u janjeeray. dhinac kale, soomaalidu waa dad qabaa’illo kala duwan ah–se magaca “soomaali” ku abtirsada, taa oo ka dhigan in ay hal qowmiyad yihiin. haddaba afgaanistaan waa dal leh sooyaal tabtaa ah, meelo dhawr ahna waa ay jiraan oo ay nooga duwan yihiin. midda ugu horraysa oo aan iskaga midka nahay afgaanistaan waxaan dhihi karaa waa dagaalka iyo gumaysi nacaybka xad dhaafka ah. Waxaa jira magac ama aan iraahdo naanays loo yaqaanno dalka afgaanistaan, kaasoo ah “xabaasha boqortooyooyinka” “مقبرة الإمبراطوريات” judhiiba markaad maqashid ereyadaa micnaha weyn xanbaarsan, waxaad ogaanaysa in meeshuba ay tahay meel ay dhamacdu un mooyee wax kale aysan ka shaqaynin! Nin lagu magacaabo David Rittgers oo qaadaadhiga siyaasadda qaanuuniga ah (legal policy) ayaa isagoo ka hadlaya sida ay u fududahay in afgaanistaan la weeraro balse aysan fududayn in la xukumo ayaa yiri “ciidamadu way u fududahay inay ku duulaan afgaanistaan se way adagtahay inay maamulaan. beershiyiintii, turkidii, giriigii, mangooliyiintii, ingiriiskii, iyo soofiyeedkiiba ayaa tubtaan oo kale maray [isku dayay inay qabsadaan], se way ku guul’darraysateen”.
Taariikhda baalasheeda weli laguma diiwaan galin afgaanistaan oo cadow soo duulay isku dhiibtay oo sidaa looga adkaaday, dabcan waana taa sababta dadka mu’arakhiinta ah ay ugu bixiyeen dhulkii dagaalka ama xabaasha boqortooyooyinka.

Dagaallo fara badan ayay afgaaniyiintu soo mareen sida dagaaladii anglo-afghan war (1839–1842) oo ahaa dagaal uu gumaystihii ingiriisku doonayay inuu la wareego dalka. dagaalkaa waxaa ka dambeeyay dagaalo kale oo tiro badan. Qowmiyadaha kala duwan ee dalka ayay dagaaladu badankood u dhaxeeyeen, waxa ugu badan ee ay isku hayeen ayaana ahyd xukunka dalka, waana dabeecadaha ama tan labaad oo aan dhihi karo iyaga iyo soomaalidu waa ay iskaga mid yihiin. Markaa si guud haddii la isku barbar dhigo labada dal waxay iskaga mid yihiin: dagaalada, hadday tahay mid gumaysi iyo gaalo diid, ama mid xukun-kala-marooqsi ba;sidoo kale ururada jihaad doonka ah ayaan iskaga mid nahay. Waxaan kaloo nahay labo dal oo soo wada maray nidaamkii hanti wadaagga; labo dal oo sidoo kale maanta isku xaalad ku jira, se xaaladahaas xoogaa ku kala duwan!

shabaab iyo dhaalibaan aan u soo laabanno. marka ugu horraysa shabaab iyo dhaalibaan waa labo urur oo jihaad-doon ah, balse ku kala geddisan habka iyo wadiiqada jihaadka loo marayo, ama yoolka laga leeyahay dagaalka jihaadka ah. Dhaalibaan jihaadka ay ku jiraan waa mid gudaha ah (local) oo dalkooda ma dhafsiisana;waxay doonayaan dawlad ama imaarad ay leeyihiin dadka ree afgaanistaan oo kali ah;Mabd’a iyo ujeedooyin cadcad oo ay ku wajahaan hadba wacyiga lagu jiro ayaa ay leeyihiin;sidoo kale waa urur dawladaha islaamka iyo kuwa kalaba xiriir la leh, oo xarumahoodu waxay ku yaallaan dooxa, caasimadda qadar. shabaabna waa jihaadiyiin caalami ah (international) oo aaminsan in iyagu ay yihiin jiilkii xorayn lahaa quddus iyo waxii ka dambeeyaba[Tus:adduunka kale]. siyaasad iyo mabd’a u dhigan oo caalamka hadba la jaanqaadi kara ma leh; fikirka guud ee ay aaminsanyahiin ayaa ah in xukaamta dalalka islaamka ah ay kurtigood gaalo yihiin sidaa daraadeedna ay dagaalka ka bilaabaan iyaga, mana jiro dal islaam oo ay xiriir la leeyihiin, ayna hawlahooda ka soo abaabuli karaan. Halhays waxaaba jira ay dhahaan: dariiqa quddus wuxuu maraa meel heblaayo! [Tus: muqdisho]. haddaba si guud shabaab iyo dhaalibaan isku feker(ideology), isku ujeedo iyo iyo siyaasadba maaha, sidoo kale isku awood iyo itaal toona maaha.

ma laga yaabaa in soomaaliya ay wajahdo xaaladda Afghanistan oo kale?

Guushii dhaalibaan waxaa soo dadajiyay waxyaabo badan oo isbiirsaday, Sida siyaasadeeda oo caddayd, xiriirka dawladaha islaamka ah weliba dalka deriska la ah ee Pakistan qabiilka ururka u xoog badanna ay ka yihiin qowmiyadda labaad, taageeridda shacabka oo ay kasbatay, iyo xulufadii soo duushay oo ay wadahadal la furtay, iyo xulufadii oo nidaamka dalka ka jiray dhabarka u jeediyay. Markaa shabaab intaa midna haddaysan maanta haysan lama dhihi karo dalka ayay la wareegi karaan. Waxyaabaha aan isleeyahay shabaab waa ay ka hor istaagi karaan inay sida dhaalibaan dalka la wareegaan, waa iyadoo Soomaaliya ay tahay dal fedraal ah, qabaa’ilada soomaalida oo aad u hubaysan iyo arrimo kale, sida xiriirka ay la leedahay dalalka islaamka ah kuwooda waxgalka ah tusaale ahaan turkiga iyo qadar. balse markaste waxaa muhiim ah in aad isku diyaariso xaaladaha caynkaan oo kale. Nidaamkii hore ee afgaanistaan ka jiray wuxuu eeday isku hallaynta dalal munaafaqadoodu ay sarrayso oo aan dhaqan iyo diin toona aysan kala dhexayn. inkastoo siyaasadda soomaalida sanadihii dambe wax weyn laga baddelay, haddana waxaa lagama naarmaan ah in talada la wada mideeyo oo muruqaaga aad maasho!

Cabdirisaaq X. Ashkir.
ogoosto, 2021.

Post a Comment

0 Comments