Advertisement

Responsive Advertisement

Tartanka dhawaan-bilowga ah ee loogu jiro fagaagg (space).


Dunida,maanta, waxaa ka socda tartan loogu jiro fagaagga. Waxaa loo baratamayaa in dayaxa mar kale la booqdo;in sidoo kale meerayaasha la deegaameeyo oo lagu noolaado, sida farraare ama waxa afka qalaad lagu yiraahdo mars, laga yaabaa inaad maqashay “colonisation of Mars” taa oo haddii la afsoomaaliyeeyo noqonaysa kala-boobidda ama deegaamaynta farraare. Culimada cirbixiyeenada ama cilmi falagga waxay sheegaan in meerahan farraare ay suurtagal tahay in lagu noolaado, lana deegaameeyo sanadaha 2040 ilaa 2050. Dabcan in badan ayaad maqashay hal-abuure Elon musk, aasaasaha shirkadda SPACEX; wuxuu shaaca ka qaaday qorshooyin badan oo ay ka mid tahay in mustaqbalka dhaw meeraha farraare ay shirkaddiisu ka hirgalin dooto dhismooyin lagu noolaado. xogbixintaa wuxuu u yiri sidatan: “waxaan rabnaa inaan hormarino gaadiidka hawada ilaa meeraha farraare aan ka dhisno magaalo”. ma mooddaa riyo dhalanteed ah! Se ogow in riyooyinku ay rumoobaan!

baratanka hawada sare loogu jiro waxaa ka mid ah in sidoo kale la rajaynayo in hawada sare  loo tamashle tago, oo waa iyadaa mar hore bilaabatay. Sanad ka hor ayay ahyd markii Richard Branson oo ah aasaasaha iyo mulkiilaha shirkadda ganacsi ee hawada sare, virgin galactic, uu yiri: “sanadka kan xiga (2021) kambanigeenna wuxuu dul sabbayn doonaa hawada sare”. xaqiiqdii hadalkaa markaynu maqalnay wuxuu badankeen nala ahaa mid aan sinnaba macquul u ahyn, balse asbuucyo ka hor ayay ahyd markii Richard Branson ay u hirgashay rejadiisi ahyd inuu mar un hawada sare u tamashle tago. se sidaan horay u sheegnay ba waxkasta waa macquul. ogow inaad ku fashilantid ama ku guuldarraysatid arrin, waxaa ka xun nasiib darrana ah in aadan bilaabin oo aadan isku dayin.

Tartankan dhawaan-bilawga ah ee hawada sare loogu jiro waa mid ka dhashay tartamo hore oo quwaduhii berigaa u dhaxeeyay. bal xoogaa dib aan u laabanno oo aan ka soo warrano muddo qiyaastii hadda laga joogo 66 sano, kuna aaddan qarnigii 20aad. sida la sheego 1955kii ayuu si rasmi ah u bilowday baratankii loogu jiray fagaagga. Kaddib hal sano dagaalkii labaad ee dunida, waxaa bilowday dagaal cusub oo hor leh. Magacaad garan kartaan e, waa dagaalkii lagu magacaabay “COLD WAR”, dagaalkii qaboobaa.

dagaalkii labaad ee dunida markuu dhamaaday labadii quwadood, waa maraykan iyo midawgii soofiyeed (USSR), waxaa ka dhexqarxay dagaal qabow oo aanan waxba la iskula reeban. dagaalku maahayn dagaal xabbad iyo hub la isku adeegsanayo e, wuxuu ahaa dagaal dhaqaaleed, awoodeed, tiknoolajiyadeed; sidoo kale wuxuu ahaa dagaal siyaasadeed;dagaal la is cunaqabataynayo;dagaal borobogaando;dagaal sirdoon. Maadaama ay labada dal kala matalayeen labo fikir siyaasadeed oo ah (CAPITALISM)  nidaam hanti-goosi iyo (SOCIALISM)  oo ah nidaam hanti-wadaag, waxaa dagaalka ku lammaannnaa faafinta fikradahaas iyo in midba midka kale uu adduunka ka hirgaliyo fikirkiisa uuna isagu dunida uga jiro figta sare, dabcan annagu hanti-wadaag ayaynu ahyn.

Markii intaa laga soo tago, dagaalka ama baratanka xooggiisu wuxuu ahaa mid daarnaa xagga tiknoolajiyadda, hadday tahay hormarinta gantaallaha noocyadooda kala duwan sida kuwa qaada dayaxgacameeyada, iyo kuwa kalee madaxyada nukliyeerka qaada. labada quwadood waxay rumaysnaayeen midkii gantaallaha ku guulaysta oo mar un ku dul meeraysta dhulka, ama ku duldaga dayaxa inuu yahay kan baratankan koobkiisa qaadi doona oo dunida ku amar taaglayn doona.

Maraykan ayaa qorshaha hawo-u-dirida dayaxgacameeyada ama gaadiidka hawada uga horreeyay ruushka ama midawga soofiyeed. qorshuhu wuxuu ahaa in dayaxgacameedkii ugu horreeyay hawadasare loo diro sanadka 1957, se maraykan wuxuu mushkilad oo dhan la kulmay markii midawgii soofiyeed ay oktoobar 4, 1957 kii hawadasare u direen Sputnik1, oo ahaa dayaxgacameedkii ugu horreeyay dunida ee ku meeraystay meerahan aan ku noolnahay ee dhulka. dhacdadaa taariikhiga ahyd waxay midawgii soofiyeed uga dhignayd mid horumar iyo guul ah, maraykanna mid wadne-qabad ah ayay uga dhignayd. Waayo maraykan waxay aaminsanaayeen in dayaxgacameedkaasi uu midawga soofiyeed u sahli doono helidda iyo soo aruurinta xogaha muhiimka ah ee dalka. intaa wixii ka dambeeyay, labada dalba waxay dayaxgacameedyo u dirayeen hawadasare. waxaa ka mid ahaa dayaxgacameedkii Sputnik2 ee midawga soofiyeed uuna saarnaa eey lagu magacaabi jiray “Laika” taas oo ka dhigan in noolihii ugu horreeyay ee hawadasare taga uu yahay xayawaanka eeyga; waxaa xigtay maraykan oo 31 Janaayo, 1958 kii diray dayaxgacameedkiisi ugu horreeyay lana dhihi jiray explorer1 kaas oo la soo guri-noqday walxo tijaabo ah oo uu ka soo qaaday majaraha xidigaha iyo meerayaasha; 18 December, 1958 kii wuxuu maraykan hawadasare u diray SCORE, oo ahaa dayaxgacameedkii isgaarsiinta(communication) ee ugu horreeyay dunida. 

Se iyadoo halkaas ay hawlo isla marayaan ayay midawgii soofiyeed mar labaad waxay sameyeen taariikh, afar sano kaddib Sputnik1, 12 April, 1961kii, waxay hawadasare u direen markii ugu horraysay qof bini’aadam ah. Dayaxgacameedkii Vostok 1, iyo ninkii saarnaa Yuri Gagarin, waxay hal-meeraysi ku sameyeen dhulka, taariikkda markii ugu horraysay. taa ayaa midawgii soofiyeed waxay uga dhignayd inay guul weyn ka gaareen dagaalkii faggaaga. balse faanoole fari ka ma qodnee, maraykan oo aad u walwalay, arrintaasina ay xasaasiyad ku abuurtay ayaa go’aansaday inay indhaha caalamka ee midawga soofiyeed sii eegaya, ay bal jeerkaan u soo weeciyaan xaggooda. Madaxweynihii xilligaa ee john F. Kennedy ayaa fagaaraha aqalka cad ka sheegay in ay dhawaanahan tagi doonaan dayaxa. hadalkiisu sidan ayuu u dhignaa: “waxaan isla qaadannay inaynu dayaxa aadno mar dhow.” 8 sano kaddib hadalkii Kennedy, 20 July, 1969 kii ayay hay’adda hawadasare u qaabilsan maraykanka ee loo soo gaabiyo NASA u dirtay dayaxa qofkii ugu horreeyay dunida. dhacdadaa taariikhiga ahyd ayaa waxaa la rumaysnahay in maraykanku uu midawgii soofiyeed uga guul-helay baratankii hawadasare ama fagaagga.
Balse halkaa kuma idlaanin safaraddii iyo wax-ka-ogaanshihii fagaagga e, waxaa xigay sanado badan oo horumaro baaxad weyn laga gaaray fagaagga, ayna dawladihii ishayay wada shaqeeyeen oo ay si wadajir ah uga hawl-galeen fagaagga. ilaa iyo jeer ayay wadashaqayntu socotay, se halkaa ayuu tartankii fagaagga ku idlaaday.

Sidee buu aadanaha u saameeyay?

Dabcan waan garan karnaa wax walba oo uu aadanuhu u hawlgalo ka lib-gaariddiisa waxay leeyihiin cirib fiican iyo cirib xunba. Waxaan ugala jeedaa faa’ido iyo khasaaro ba waa ay leeyihiin. Tartankii fagaagga ee uu dhaliyay wixii loo yaqannay “cold war” dagaalkii qaboobaa waxa uu aadanuhu ka faa’iday wax badan. Waxaa kamid ah: isgaarsiinta, caafimaadka, iyo tiknoolijiyadda. haddaan eegno xagga isgaarsiinta, dhulka waxaa maanta dul heehaabaya ama ku hareeraysan gaadiidka fagaagga kuwaas oo qabta adeegyo kala duwan oo ay ka mid yihiin: isgaarsiin aad u ballaaran, soo gudbinta xogaha (data)  ku saabsan cimilada, nidamka caalamiga ah ee goob-tilmaamaha ah (GPS). caafimaadka markan fiirino, qalabka humaag muujiyaha ah ee loo yaqaan  CT scan ayaa ah waxyaabaha ku soo biiray kaydka caafimaad ee aadanaha. Ogow qalabkaa markiisi hore NASA ayaa samaysay oo waxay ugu talo gashay inay sawirro uga qaaddo meelaha fogfog ee fagaagga. Tiknoolijiyadda laftirkeeda xilligaa ayay ku abtirsataa, oo laabtookii ugu horreeyay ee la qaadan karo (portable) ayaa xilligaa adduunka yimid! markiisu hore waxaa loo sameeyay hawlaha fagaag baarista.
Waa ay jiraan khasaarooyin balse kuwo sidaa u badan maaha.

MAXAA XIGAY? 

sida ciwaanka ku qoran amaba aan horay u sheegnay waxaa markale dib u bilowday tartan cusub oo hawadasare ah. Waa baratan ka qayb galayaashu ay tiro beel yihiin, waxayna iskugu jiraan waddamo iyo kambaniyo ama shirkado gaar loo leeyahay. marka aan ka fiirinno xagga waddamada waxaa ugu tun weyn maraykan, ruush, jayna iyo hindiya. dabcan jayna iyo hindiya waa waddamada ugu firfircoon ee tartankan dhawaan-bilowga ah laga dareemayo galaangalkooda. waxaan ula jeedaa, si xawli ah ayay ku socdaan oo doonayaan in labada kale macallimiinta ku ah fagaagga inay gaaraan oo ay la baratamaan.
inakstoo jayna ay maraykan ishayaan xag walba hadday tahay ganacsi ama tiknoolijiyad, haddana wuxuu baratan kala dhexeeyaa dalka dariska la ah, xulufadana la ah maraykanka ee hindiya. labadooduba waxay fagaagga ku qarash gareeyaan hanti iyo adduun tiro beel ah.

Jayna(China) waxay doonaysaa in ay taariikh cusub dhigto! waxay rabaan inay tagaan dhinaca fog ama dhinaca kale ee dayaxa–waa qaybta dayaxa ee ka sii jeedda dhulka. halka hindiya ay doonayso inay gaarto meerayaasha kale. Ogow hindiya waa dalka kali ah ee aasiya (asia) oo dhan ka tagay meeraha gaduudan ama farraare.
Sidii dhacday tartankii koowaad ee hawadasare, waxaa iyadana biyo-kama-dhibcaan ah in la iskugu awood sheegan doono fagaagga. Mar ayayba taasi bilaabatay. Maraykanku isagoo sheegaya in uu isku diyaarinayo dagaalka hawadasare ayuu madaxweynihii hore trump sheegay in qayb cusub oo ciidamo ah lagu soo kordhiyay ciidamada maraykanka. wuxuu sheegay inay yihiin ciidamada hawadasare. sidoo kale faransiiska ayaa isaguna qorshe noocaas oo kale ah shaaciyay. hindiya iyo jayna ayaa iyaguna sheegay inay samaysanayaan gantaallo burburin kara gaadiidka hawada sare.

taa markaan ka tagno, Kambaniyada gaarka ah iyo ragga jeebabku u buuxaan ee bilyineerada ah ayaa iyaguna qayb mug leh uga jira, oo xiiso gaara ah u sii samaynaya baratanka loogu jiro fagaagga. Kambaniga SpaceX ee uu leeyahay bilyineer Elon musk, ayaa sanad kahor waxay samayeen gaadiid-fagaaggeedkii ugu horreeyay ee dib loo isticmaali karo (reusable)–dib u isticmaalka waxaan ugala jeedaa gaadiid-fagaaggeed duuli kara oo si nabad ah ku soo guryo noqon kara oo markale dib loo isticmaali karo. Sidoo kale Kambanigan ayaa hay’adda NASA kala shaqeeya u daabulidda alaabta(cargo) saldhigga caalamiga ah ee fagaagga. sidoo kale Kambaniga sameeya diyaaradaha Boeing iyo Kambaniga blue origin ayaa tartan ugu jira qaadashada heshiisyo badan oo caalami ah oo quseeya fagaagga. Richard Branson iyo Kambanigiisa isna kama marna.
intiinna fagaagga xiisaysa, waa ay ogyihiin in asbuucyo kahor ay labada kambani ee kala ah virgin galactic iyo Blue origin ay sameeyeen duullumaadkoodi ugu horreeyay ee u tamashle aadidda hawadasare.

Tartankan hawadasare loogu jiro maaha in meerayaasha iyo xidigaha kale la tagayo un e, dal iyo kamabani walbaba wuxuu ka raadinaya, markii laga tago iktishaafidda waxyaabo hor leh, dheef iyo weliba awood uu dunida kale ugu faano. Hay’adda NASA ayaa sheegtay in nidaamkeenna cadceedda (solar system) ay ka qayb yihiin dhadhaabyo(asteroids) tiradoodu gaarayso 800,000; kuwaasoo laga heli karo macdan farabadan oo qaali ah. sida dahabka, xadiid, balatiin(platinum), iqk. Tusaale waxaa jira dhadhaab la yiraahdo 16 psyche oo la rumaysnahay in ay ku jiraan waxyaabo qiimo leh oo lagu qiyaasay adduun gaaraya todobo boqol oo kuwiintilyan oo doollarka maraykanka ah (700,000,000,000,000,000,000)!

Gunaanad.

Aadanuhu mar walba oo uu wax cusub wesharo, labo midba,sidaan horay u sheegnay, waa ay ka dhashaan. Kow faa’ido, oo markii horeba waxyaabaha uu wesharayay waxa ugu weyn ee uu ku lahaa ayaa ahyd inuu wax san oo faa’ido leh ka helo. tan labaadna waa in ay ka dhashaan wax aan la mahdin oo cirib xumo leh. haddaba tartamada loogu jiro fagaagga waa kuwo labadaaba leh. Waxaa la rumaysnahay hawadasare hadday tahay meerayaasha kala duwan iyo xidigaha kaleba inay aadanuhu ka faa’idi karaan. Dhadhaabyada, xidigaha iyo meerayaasha waxaa ka buuxa waxyaabo badan oo qiimo leh, sida macdan iyo weliba curiyeyaal dhulkeenna ku yar amba aan laga helin. Fiicnaan lahaydaa haddii ujeedka iyo yoolka baratanka fagaagga ay ahaan lahyd u faa’idaynta aadanaha. se isku-awood-sheegashada iyo santaagga ayaa ah waxyaabaha uu aadanuhu xiiseeyo. waana marka cirib-xumada ay la kowsadaan.

Cabdirisaaq X. Ashkir
Muqdisho, 2021.

References:

1:https://www.rmg.co.uk/stories/topics/space-race-timeline.

2: Al Jazeera English, start here.

3:https://www.forbes.com/sites/nicholasreimann/2021/07/12/leaving-a-planet-in-crisis-heres-why-many-say-the-billionaire-space-race-is-a-terrible-idea/?sh=6d0b1f6277c9.

4:https://www-universetoday-com.cdn.ampproject.org/v/s/www.universetoday.com/57734/what-is-space/amp/?amp_js_v=a6&amp_gsa=1&usqp=mq331AQKKAFQArABIIACAw%3D%3D#aoh=16271478964974&amp_ct=1627148000514&referrer=https%3A%2F%2Fwww.google.com&amp_tf=From%20%251%24s&ampshare=https%3A%2F%2Fwww.universetoday.com%2F57734%2Fwhat-is-space%2F.

Post a Comment

0 Comments