Advertisement

Responsive Advertisement

Asteroid.


Asteroid(dhadhaab/meereyare).

Asteroid waa ashyaa ama walxo yaryar oo dhagaxaan ah kuwaas oo ku wareega cadceedda ama qorraxda. 

inkastoo asteroids-ku ay ku wareegaan cadceedda sida meerayaasha, waa kuwo (asteroids) aad uga yadh meerayaasha (planets).


Nidaamka cadceedda waxaa ku jira asteroids fara badan. badankood waxay yaallaan ama saldhigoodu yahay asteroid belt-ga wayn ( waa goob u dhaxaysa meesha ay Mars iyo Jupiter ku wareegaan).


Asteroids-ka sidoo kale waxaa laga helaa goobo kale, tusaale asteroids-ka qaar waxaa laga helaa dhabbo wareegga(orbital path) meerayaasha. taasi oo micnaheedu yahay in meerayaasha iyo walxahaan dhagaxa ka samaysan (asteroid) ay maraan hal waddo marka ay ku wareegayaan cadceedda.

Dhulka iyo iyo dhawr kaloo meerayaasha ah waxay leeyihiin asteroids kuwan lamid ah.


Dhagxaanta (asteroid) waa haraadiga ama wixii ka haray samaysankii nidaamkeenna cadceedda. Nidaamka cadceedda wuxuu samaysankiisu bilaamay muddo laga joogo 4.6 billion oo sano markii daruur aad u weyn oo gaas(Gas)  iyo dhasti(dust) ah ay isku baddeshay xaalad dareere ah, taas oo afka qalaad lagu dhaho (condensed: from gas or vapour to liquid)

 Markay sidaasi dhacday, intii badnayd walxaha waxay ku dhaceen dhexbartanka (center) daruurta waxaana samaysmay qorraxda. Waa sida ay bugaagtu sheegayaan. 


Qaar ka mid ah gaaskii iyo dhaastigii (dust) noqday dareeraha ee daruurta ayaa waxay noqdeen waxa aan maanta u naqaanno meereyaal. sidaas daraadeed ashyaa'ada ku jira goobta loo yaqaan asteroid belt ma aysan helin fursad ay kaga mid noqdaan meerayaasha. Marka waa haraadigii ka haray samaysankii qorraxda iyo meerayaasha. 


Asteroids-ka maahan kuwo isku mid ah sababtoo ah waxay ku samaysmeen goobo kala duwan, iyo kala duwanaashaha masaafao ee ay qorraxda u jidhaan, Ma jidhaan labo asteroid oo isku mid ah.  

Waa kuwan dhawr waxyaabood oo ay ku kula duwan yihiin:


1: Asteroids-ka maahan kuwo dhamaystirmatiran sida meerayaasha xagga qaabka (shape) waxay leeyihiin qaab ama muuq aan sinnayn (uneven and irregular).


2: Asteroids-ka qaar dhexroorkodu waa boqollaal, balse waxaa jidha kuwo badan oo le'eg dhagax dixeedka (pebbles) waa dhagxaanta sulubka ah ee badda laga helo.


3: Badanaa asteroid-ka waxay ka samaysan yihiin qaybo kala duwan ah oo dhagaxaan ah, halka qaar ay ka samaysan yihiin dhoobo(clay: waa dhagax dabiici ah oo dahaar siman leh ''fine-grained" ) iyo biro(metals) sida nickle iron.


Waxaa tusaale noogu filan seddex dan asteroid ee lagu kala magacaabo; mathilde, gaspra iyo Ida, inaan ku kala ogaano farqiga weyn ee u dhaxeeya asteroids-ka.

Mathilde: waa asteroids-ka ugu weyn ee uu abid booqday gaadiidka cir-maaxidda(spacecraft). dhexroorkiisu waa 52 kiilo mitir (32 mayl) ku dhawaad 4 jeedh ayuu ka weyn yahay cabbirka gaspra iyo 2 jeedh oo Ida ah. dhagaxaan waxaa la ogaaday 12 November 1885. waxaana soo saaray John palisa una dhashay austria.

Ida: qaab muuqaalkisu ma ahan mid siman (irregular). wuxuu leeyahay dhexroor gaadhaya 31.4 kiilo mitir (19.51106 mayl).

 waxaa soo iktishafay bishii September 29 1884 waxaana soo saaray John palisa una dhashay austria.

Gaspra: waxaa soo saaray G.neujmin, sanaddii 1916 bishii July 30 keedi. Dhexroorkiisuna waa 12.2 kiilo mitir (7.580729 mayl). 

aad ayay mid ba midka kale uga duwan yihiin.

 


Maxaan ka baran karnaa asteroid?

Maadaama asteroid-ku ay samaysmeen waqti la mid ah markay samaysmeen walxaha kale ee nidaamka cadceedda, dhagax fagaaggeed kani (space rock) wuxuu culumada siin karayaa xogo badan oo ku saabsan taariikhada meereyaasha iyo qorraxda. Sidoo kale culumada waxyaala badan bay ka baran karaan dhagaxaan iyakoo daraasaynaya cir-kasoo-dhaca(meteorites): waa walxo aad u yadh-yadh oo asteroids ah kuwaas oo soo mara lakabka hawada ee ku hareeraysan dhulka (atmosphere) kuna soo dhaca dahaarka dhulka.


W.Q Abdirasack Hassan Ashkir.

Post a Comment

0 Comments