Advertisement

Responsive Advertisement

waxa qarsoon ayaa ka weyn ‎(ما خفي أعظم). ‏

http://https://m.youtube.com/watch?feature=share&v=9lkarL5uWeI

Intaan daawanayey barnaamishka “waxa qarsoon ayaa ka weyn”ما خفي أعظم, kan waa kii iigu saameynta badnaa. Barnaamishku wuxuu diiradda saarayaa isbeddalka siyaasadeed (Geopolitics) ee mandiqadda bariga dhexe. isbeddalladaas waxaa hor boodaya isreal oo muqaawamada xamaas u aragta inay qorshahooda Sahyuuniyadeed ay laf dhuun gashay ku tahay. isreal waxay geed dheer iyo mid gaaban u fuushay siday uga takhallusi lahyd ururka xamaas. Waxay u soo bandhigeen heshiisyo aan caddad lahyn, wayna ka diidday. Waxay isku dayday inay ba cagta mariso oo ay soo afjaraan ururkan, way u suurta gali waysay, oo waxaa ka hor istaagay niman geerida jecel sida ay iyagu u jecelyihiin nolosha.! isreal markaan waxay heshay tub ay istiri waa tii qorshahaaga dhabbaha u xaadhi lahyd, waa Carab e. 

Barnaamishku waa barnaamish aad u mug weyn, xogta ku jidhtana aad dhabanada qabsan doontid.

intaan daawanayey waxaa iigula yaabka badnaa baa waxay ahaayeen; markii muqaawamada laga xidhay cir iyo dhul ba oo ay weyday meel hub u soo maro, waxay sameeyeen arrin cajiib ah taas oo ah inay intay soo aruuriyaan gantaalaha isreal ee qarxi waayey ay dib u farsameeyaan oo ay tal aviv ay ku duqeeyaan. tan kale ayaa waxay tahay inay baadi goobeen labo doomood oo ay lahaayeen ciidamadii badda ee ingriiska, kuwaa oo ku qarqaday badda, kadib dagaal ay isku-fara saareen ciidamadii boqortooyadii cusmaaniyiinta iyo kuwii ingriiska. Waxaa ka soo wareegatay muddo 100 sano ah. muqaawamadu waxay ka soo heshay doomihii hub iyo biro aad u badan kuwaas oo ay dib u farsameeyeen ayna ku duqeeyeen yahuudda. Cajiib.! halkaa markay marayso baa waxaan arkay aayaddaan;
   {وَأَنزَلْنَا الْحَدِيدَ فِيهِ بَأْسٌ شَدِيدٌ وَمَنَافِعُ لِلنَّاسِ} [الحديد‏:25]‏.
“Waxaana soo dajinnay birta iyadoo shiddo ku dheehantahay iyo nacfi dadka,....”

ila daawo. https://m.youtube.com/watch?feature=share&v=9lkarL5uWeI

Post a Comment

0 Comments