Shahiid sayid qudub.
Magiciisa oo dhamaystiran waa Sayid ibraahim xuseen shaadili. Sayidku wuxuu ku dhashay tuulada moosha, hoos tagta na asyud, bishii October 9, 1906.
Sayid qudub dugsigiisi qur'aanka iyo wax barashada aas-aasiga ah ku qaatay isla degmadii uu ku dhashay. 1920 wuxuu galay iskoolka. 1920 wuxuu ku biiray iskuulka macallimiinta ee hoose (elementary) oo ku yaal qaahira, wuxuuna ka bilaabay kuliyadda sayniska, wuxuu na ka qalin badeshay sanaddii 1933. Sayidku intuu wax baranay wuxuu ahaa bare iskuul hoose ah. Qalin jabintiisi kaddib wuxuu ka shaqo bilaabay wasaaradda wax barashada. 1948 waxaa loo bedelay maraykan markaa uu u soo dhamaysto nidaamkisi wax-barasho.1944 wuxuu noqday kormeere maamulka wax-barashada. Sidoo kale wuxu noqday kaaliye kormeere, sanaddii 1952 buu iska casilay wasaaradda. intaa kadib madaxweynehii markaa jiray Jamaal Cabdi naasir ayaa wuxuu u soo bandhigay Sayidka inuu madax ka noqdo wasaaradda waxbarashada.
Sayid qudub wuxuu ahaa qoraa, bare, gabyaa iyo mufakir islaami ah. Wuxuu qoray buugaag farabadan. Waxaa la sheegaa in uu qoray in ka badan 25 buug. Buugaagta uu qoray waxaa kamida,macaalim fi aldariiq, diintan (هذا الدين), islaamka iyo mushkiladaha xaddaaradooyinka (الإسلام ومشكلات الحضارة), fi dilaal alquraan waa kitaab tafsiir ah kana mid ah kuwa ugu caansan kutubtiisa, iyo kuwo kaloo fara badan.
Sayidku wuxuu ku jiray saaxadda siyaasadda muddo badan, ilaa bilowgiisi dhalinyaranimo. wuxu ku biiray xisbigii wafdi, wuxuuna ka tagay 1942.
Sanaddii 1950 wuxuu ku biiray ururka ikhwaanul muslimiin(جماعة إخوان المسلمين).
Nidaamkii berigaa jiray ee uu hogaaminayey Jamaal Cabdi naasir iyo sayidka khilaaf badan baa ka dhexjiray, khilaafkaas wuxuu keenay in sayidka la xiray lana jirdilay. Muddo 10 sano ah ayuu xabsiga ku jiray, waxaa dib loo siiyey xorriyadiisa sanaddii 1964. Mar kale ayaa waxaa la xiray 1965 kii, waxaa lagu xukumay daldalaad, 10 maalmood kaddib ayaa lagu fuliyey.
أخي أنت حرٌ وراء السدود *** أخي أنت حرٌ بتلك القيود
{ مِّنَ الْمُؤْمِنِينَ رِجَالٌ صَدَقُواْ مَا عَاهَدُواْ اللَّهَ عَلَيْهِ فَمِنْهُمْ مَّن قَضَى نَحْبَهُ وَمِنْهُمْ مَّن يَنتَظِرُ .. }
0 Comments