Advertisement

Responsive Advertisement

mugadisho.

Aalaaba markaad maqasho magaalada muqdisho waxaa haddiiba kula soo darsaya aragtiyo dhowr ah oo kala duwan sida: inay tahay magaalo colaadeed, dhiiggu qubanayo meel kasta, magaalo ka dambaysa faceeda, magaalo dadkeedu aysan jeclayn nidaam iyo dowladnimo, magaalo kulansatay wax kasta oo xumaan ah. 

Haddaba sidaad mooday maaha. Magaalada xamar waxay caan ku tahay marti-soorka, soo dhaweynta, kalgacaylka, dowlad jacaylka, isku soo dhaweynta soomalidan kala irdhowday. Runtii dadkeeda (oo qabiil kasta leh), waxay yihiin dad u heellan helidda dowlad sal-adag leh oo ay yeeshaan dadka soomaaliyeed. 
Beryahaan waxaa aad suuqa u qabsaday rag u hammuun qaba kursiga ugu sarreeya dalka. Raggaaasi dhammaantood waxay ka sinnaayeen in dalku gadaal ugu laabto hoggii naareed ee laga soo baxayey. Waxay ku sifoobeen amaba dadku ku magacaabeen kuwo ay dabada ka wadaan dalal gaar ah. iyagoo sidaa ah baa hadana waxaa suuqa la waday in qabiillo gaara ay rabaan in dowladda ka cayriyaan magaalada muqdisho oo ah caasimadda dalka. Sababtuna waa in ragga qaari ay ku awr-kacsanayaan qabiil. Runtu waxay tahay ma jiro qabiil muqdisho deggan oo u diyaar ah colaad iyo dib-ugu-laabashada hadimada cadowga. Dadku way ka daaleen dagaal aan dhammaad lahayn, dagaal aan la garanayn cidda iyo sababta loo dagaalamayo. 

Anigu waxaan maanta qiray in ree muqdisho ay kow ka yihiin dowladnimo jacaylka. Waxaan u kuurgalay sida ay shacabku uga falceliyeen warqadihii ka soo baxay nimankii kursi doonka ahaa ee ku shirsanaa hudheelka jaziira. Badankood waxay ahaayeen kuwo aanba la dhacsanayn qoladaan lagu tuhmayo inay yihiin kuwo dan iyo heello ka lahayn dad iyo dal. Waxay ku micneeyeen “calooshood-u-shaqeystayaal” aan garanayn danta ummadda soomaaliyeed gaar ahaanan tan ree muqdisho.
“nin nin dhaamo kuma jiro. nin inoo cuntama kuma jiro...” ayaa ahaa haddalada ay isweydaarsanayeen.

Dadka muqdisho deggan diyaar uma aha in laga damiyo iftiinka yaree u daaran, waxay u hammuun qabaan dowlad, waxay rajjo weyn ka qabaan inay mar un arkaan muqdisho oo dib u hanatay maamuuskeedi lagu yaqiinnay, inay arkaan muqdisho oo markale ay ku soo hirtaan soomaliweyn.

Post a Comment

0 Comments