Xiisadaha daba-dheeraaday ee u dhaxeeya turkiga iyo Greece maaha kuwo cusub. Sida caalamka badankiis ba ay u jiraan muran badeed, turkiga iyo Greece waxay isku haystaan qolada xaqqa u leh inay ka faa'idaysataan khayraadka dhex ceegaaga badda agean-ka --waa inta u dhaxaysa labadooda. Badda agean-ka waxaa ku jira khayraad fara badan kaas oo sababay in bogaga taariikhihii hore dib loo milicsado.! Khayraadka waxaa ka mida ah gaaska iyo saliida.
Bishii may, 2019, turkiga wuxuu markab loogu tala galay qodidda u diray badda dhexe si markaa uu u soo sameeyo hawlo xog arruurin(seismic survey) iyo hawlo qodid baaritaan ah (exploratory drilling). Aagaga ay hawshu ka socoto waa xeebaha waqooyiga qubrus. Qubrus waxay ahyd halka bud dhigga u ah xiisadaha turkiga iyo Greece.
Jasiiradda wadanka ah (Greece) way cambaaraysay hawlaha uu turkigu ka wado badda dhexe. Greece iyagoo garabsanaya xulafadooda ree Europe waxay ku soo rogeen turkiga cunaqabatayn, waxay ka xayireen lacago lagu kaabi lahaa dhaqaalaha waddanka turkiga sanadka 2020. Sidoo kale Europe waxay u muujisay inay hiil iyo hooba ay la garab taagan yihiin Greece.
Halkaa markay marayso waxaa dabkii baasiin ku daray France iyo xulufadeeda kale ee carbeed. Markaan turkigu wuxuu arkay quwad ku hubaysan hubka wax gumaada ee nuclear-ka, waxaana kor u kacay hammigiisi ahaa “turki oo ah quwad haysata nuclear”.
Turki wuxuu beryo badan walaac ka qabay cadaalad darrada dunidaan taasoo ah in hal dhinac ay leeyihiin qorshaha hubka nuclear-ka, waa wadamada horumaray ee galbeedka iyo xulufadooda.
Ankara waxay diiday inay aqbasho bay'ad, halkaas oo ay waddamadu “ay ka baqaan waddamo kale, sababtaas oo ah inay haystaan hub nuclear ah”
Dr.Ali bakeer oo ka tirsan machadka falanqaynta arrimaha siyaasadda iyo la talinta, saldhiggiisuna yahay Ankara, ayaa soo jeediyey in faragelinta France ee xiisadaha turkiga iyo Greece u dhaxeeya ay ankara ku riixayso “Qorshaheeda Hubka Nuclear ka”.
“France wuxuu muujiyey awooddooda –badda bariga dhexe– (iyagoo u diray markabka Charles de gaulle ee ku hubaysan hubka sida ba'an wax u gumaada) kaliya waxay arrintaasi xoojinaysaa hammiga dadka turkiga ee ahaa inay dalkoodu yeesho awoodaha halista ah ee laga baqo (hubka), oo ay kamid tahay helidda hubka nuclear-ka” bakeer ayaa sidaa sheegay.
Bakeer wuxuu ku tilmaamay markabka ay leeyihiin ciidamada badda France –markabka ku hubaysan hubka nuclear ka, xambaarana diyaaradaha,charles de gaulle– u soo daabuliddiisu inay tahay “hiillin gariigga looga hiillinayo turkiga”.
Waddanka leh awoodda nuclear ka wuxuu hiil iyo hoo ba la garab istaagay Greece. Wuxuu u daabulay maraakiibtiisa, waliba kuwa hubaysan hubka halista badan leh (nuclear weapon). Waxaa sidoo kale layaab aanan ahyn inay wadammo carbeed haba ugu horreyso imaaraat e (UAE), ay garab safanyihiin Greece.
Mohammed pervez bilgrami, oo ka faallooda arrimaha siyaasadda dibadda ee turkiga, wuxuu adkeeyay fikraddii bakeer ee ahyd in turkigu mar walba uu bilaabi karo qorshahiisa helidda hubka ba'an (nuclear weapon).
Bartiisa twitter-ka ayaa wuxu mohammed ku soo qoray “fursaduhu waa in turkiga lagu qasbo inuu hormariyo ama lahaadaa awood nuclear oo asagu leeyahay, si markaa uu uga jawaabo hanjabaadda uga imaanaysa waddanka, 290 ka madaxyada nuclear-ka (290 nuclear warheads) ku hubaysan”.
Waxaa xusid mudan in sanaddii 2019, bishii September, uu Madaxweynaha Turki suldaan rajjab dayib ordugan u jeediyey khuddbad xisbul xaakimka dalka–xisbiga caddaaladda iyo hormarka (AKP)–taasoo taabanaysay dhinacyo badan. Wuxuu aad uga hadlay sharciga aan caadiga ahyn ee “haysashada hubkanuclear-ka”.
“wadamada qaar waxay leeyihiin gaantallaha riddada dheer ee xambaara madaxyada hubka nuclear-ka, hal iyo labo maaha, laakiin waxay inoo sheegeen inaynu yeelan karin hubkaas, wax la qaadan karayo maaha”. Waxaa sidaa yidhi Madaxweyne rajjab oo ka hadlaya shirweynihii xisbiga talada dalka haya oo ka dhacay magaalada sivas.
Wuxuu ordugan intaa raaciyey; “waxaa inoo dhow Israel, waana dariskeenna. Waxay ka baqayaan in dowladaha kale ay samaystaan hubkaan. Qof taaban karaa ma jiro (Israel)”. Halkaa waxaa ka cad in Israel ay ku tahay turkiga iyo dowladaha kale ba laf dhuun gashay. waddamada ree galbeedka iyo yahuudda ba, waxay turkiga oo haysta nuclear u arki doonan boog ku taalla calooshooda. marka ree galbeedku waxay ku qasbanyihiin inay geed dheer iyo mid gaaban ba ay u koraan siday yahuuddu(Israel) u sii ahaan lahyd “atooraha bariga dhexe”.
Daraasaddii u dambaysay ee uu soo saaray machadka caalamiga ee baadhitaanada nabadda ee Stockholm (SIPRI) wuxuu sheegay in Israel ay 80–90 madaxyada hubka nuclear-ka ah, halka ay France haystaan ku dhawaad 300 madaxyada nuclear-ka.
Machadku wuxuu intaa ku daray in Israel ay sii waddo siyaasaddeeda wajiyada badan ee aanan la fahmi karin ee ku aaddan qorshaheeda nuclear-ka.
Soo if-bixidda arrimaha samaysashada hubka nuclear-ka ee turkiga wuxuu ku soo aadayaa xilli ay wadamo badanoo carbeed kuwaas oo ay gadaal ka kaabayaan Israel iyo maraykan, ay cadowtinnimo u muujiyeen turki, marka loo eego wixii loogu yeeray “heshiiska nabadda” ee dhexmaray abu Dhabi iyo tel aviv.
Rugta siyaasadda dunida (center for global policy) ayaa warbixn ay soo saartay ku tiri, “Abu dhabi way la socotaa in qorshaha fog ee maraykan ka leeyahay bariga dhexe ay si weyn ugu xidhantahay laacibiinta gobolka sida (regional players), ayna caynaanka u qabtaan gobolka. tani waxay fursad u noqotay abu Dhabi”.
Arrintaa ay ”fursad” u agaragtay (UAE) waxay ku ridday inay u bareerto halis khayarteeda leh, waxay u gashay cadowga gaamuray ee haysta hubka la iskugu caga jugleeyo maanta (hubka nuclear-ka). isxulafaysigaas waxay sababtay in la sii xoojiyo hamuuntii turkigu u qabay mar un inuu helo hubka nuclear-ka.
CGP (center for global policy) wuxuu leeyahay “heshiiska imaaraat iyo Israel maahan mid muhiimad weyn u leh siyaasadda gobolka. Keliya waa dadaalka ay Abu Dhabi ugu jirto inay hoggaanka u qabato diblomaasiyadda carabta… ficillada ay imaaraat ka waddo gobolka waxay sii xoojinaysaa qorshaha maraykanka ee uu IRAN kula dagaalamayo iyo Sidoo kale xakamaynta raad ku yeelashada turkiga ee gobolka.”
Yoolka turkiga ee helidda hubka ba'an e nuclear-ka maaha mid sahlan!
Machadka faransiiska ee arrimaha caalamiga iyo istiraatiijiyadda ayaa wuxuu soo saaray warbixin uu ku falanqaynayo arrimaha Turkiga ee hubka nuclear. Waxa uu sheegay in hammiga Turkiga ee hubka nuclear-ka uusan ahyn mid fudud, ayna ku furmi doonaan furimo badan. “turkey waa inay ka baxaan heshiisyo caalami ah oo ay saxiixeen, sida heshiiska ka hortagidda faafidda hubka nuclear-ka (nuclear non-proliferation treaty), waxayna wajihi kadhtaa cunaqabatayn hor leh sida Iran”.
Turkey waxay qalinka ku duugeen heshiiskii NPT, hilllaaddii 1979.
Turkey si uu u helo garab waxaa qasab ku ah inuu halka dowlad-islaam ee haysata hubka nuclear-ka uu kor u qaado xiriirka kala dhaxeeya.
Zaid Hamid waa khabiir militari iyo falanqeeye amniga, joogana caasimada Pakistan kaabul, wuxuu waraysi uu siiyey straturk.com ku sheegay in heshiisyada difaac ee u dhaxeeya Pakistan iyo Turkey ay yihiin kuwo lagama maarmaan u ah jiritaanka labada dal.
“Sahyuuniyada bari iyo galbeed ba waxay caqabad ku yihiin labada dal ba, turki waxay leedahay aqoon tiknooliji iyo dhaxaltooyo taariikhi ah (historic legacy), Pakistan na waxay leedahay hubka nukliyeerka”. Zaid Hamid.
Pakistan waa halka waddan ee muslimka ah kaas oo leh hubka nuclear-ka. 1972 dii ayey ahyd goortii uu bilaamay qorshaha nuclear-ka ee Pakistan. bishii May 28, 1998, ayey ahyd markii ugu horraysay ee ay Pakistan tijaabisay hubkeeda nuclear-ka. Turkiga na waa waddan aad ugu hormaray tiknoolijiyadda iyo difaaca. Waaxda difaaca Turkey waxay soo xaraysay adduunyo ka badan $2.3 billion, sidoo kale warshadaha difaaca waxay soo galeen 100 ka kambani ee ugu horreeya caalamka xagga difaaaca.
Hadda Turkiga iyo Pakistan waxaa ka wada dhaxeeya heshiisyo difaaca ah. February 14, 2020, booqosho gaaban oo uu Ordugan ku tagay Pakistan ayuu sheegay in shirkadaha turkiga ee difaaca ay Pakistan uka fulinayaan ilaa 68 mashruuc. Mashruucyadaas waxaa kamida in Pakistan loo sameeyo 30 kamida diyaaradaha helicopters-ka ee TI29 ATAK, 4 maraakiibta wax waardiyeeya ee loo yaqaan MILGEM Ada corvettes. Waxaa ku kacaya heshiiska lacag gaaraysa $3.5 billion US.
Ordugaan oo mar ka qayb galayey barnaamish toos ah ayaa sheegay in dowladdu ay qorshaynayso inay arday u dirto dalalka china, japan… si ay u soo bartaan cilmiga nuclear-ka. Sidoo kale Ordugaan isagoo ka hadlaya arrimo ku saabsan warshadda quwadda nuclear ka ee Turkiga (NPP)–Akkiyu- ee ka dhisan gobolka mersin, ayna dhiseen ruushka, ayaa yidhi “Turkey kuma istaagi doonaan akkiyu kaliya e, waxaan sii wadi doonnaa dhisidda mid labaad(nuclear power plant), oo aynu ka dhisi doonno gobolka sinop ee dhaca badda black sea”.
Warshadda quwadda nuclear-ka (nuclear power plant) – yaanan lagu qaldin hubka nuclear-ka – waa xarun dhalisa awoodda kulka(thermal), halkaas oo isha-kulka (heat source) uu yahay curshe ha nuclear ka. Kulka waxaa loo isticmaalaa in la dhaliyo uumi kaas oo wadaya mashiinka-bukhaarka kuna xidhiidhinaya dhaliyaha korontada.
Turkey wuxuu rajaynayaa inuu dhiso warshad saddexaad oo quwadda nuclear-ka ah iyagoo kaashanaya China, si markaa loo helo tamar nadiif ah la iskuna hallayn karo.
inkastoo turkigu uu heshiisyo badan qalinka ku duugay sida heshiiskii ka hortagidda faafidda hubka nukliyeerka(Nuclear non-profileration Treaty, 1979) iyo heshiiskii mamnuucidda tijaabada hubka nuclear-ka (nuclear-test-ban-treaty, 1996), haddana wali waxay rajo ka qabaan helidda hubka nukliyeerka, waayo heshiisyadan ka hor waxaa socday qorshaha hubka nukliyeerka.
Sanadkii 1978, turkigu wuxuu bilaabay hirgalinta cursheyaasha aanan awooda lahyn (non-power reactors or research reactors).
Turkey waxay si xawli ah u wadaan qorshahooda hubka nukliyeerka. Waxay kor u qaadayaan khibraddooda nukliyeerka.
Ka sokow, in turkigu xulufo la yahay ururka NATO, hadana waxaa dalkiisa yaalla ku dhawaad 50 hubka nukliyeerka ah oo ay leeyihiin maraykanku, qaastan wuxuu yaallaa saldhigga ciidamada cirka ee incirlik. Turkey waxay ku biireen ururka NATO February 29, sanadkii 1952.
Ujeedooyinka hubka nukliyeerka loo keenay turkey waa arrin kale oo la xiriirta galaangalkii Soviet ka uu ku lahaa mandiqadda, iyo maraykan oo siyaasado badan ka lahaa. Sababaha ugu wayn ee nukliyeerka loo keenay waxay ahyd; in hoos loo dhigo dhibaatadii gantaallaha “Cuba” (Cuba missile crisis), taasoo ku qasabtay turkiga inuu ku biiro isxulafaysigii “Atoms for peace”. taasina waxay sababtay in maraykan u soo daabulo turkiga gantaallada nukliyeerka sida “American Jupiter missile”. intaa kaddib turkiga waxay ballaariyeen siyaasaddooda ree galbeedka. Wuxuu ku biiray nidaamkii loo yaqaannay wadaagidda hubka nukliyeerka (Nuclear sharing system) oo maraykanku sameeyay, kaas oo ay ku jireen ilaa afar waddan oo kala ah; Germany, Italy, Belgium iyo Netherland.
Sababaha kale ee nukliyeerka loo geeyay wadamada ree galbeedka iyo xulufadooda, looguna sameeyay “ururka wadaagidda nukliyeerka”waxaa ku qarsoonayd sir, taasoo ah in wadamadaas laga hor istaago inay samaytaan ama la yimaadaan qorshe nukliyeer. Machadka arrimaha caalamiga iyo istiraatiijiyadda ee france ayaa ku sheegay war bixin uu soo saaray in nidaamkii wadaagidda nukliyeerka ee la aasaasay xilliyadii dagaalka qaboobaa (Cold war), uu ahaa qorshihiisu in laga hortago qorshaha helidda hubka nukliyeerka ee wadamada ree galbeedka iyo xulufadooda.
inkastoo warbixinta ay ku jirtay in turkiga uusan dhawaanahan samaysan karin nukliyeer, markii loo eego sharciyada u dajisan ururka NATO l, ayaa wuxuu intaa ku darayaa in isbedellada mandiqadda ka jira sida galaangalka isreal, guul darrada qorshaha nukliyeerka ee iran, iyo waliba soo iibsoshada gantaallaha difaaca cirka ee turkiga, ay dhamaantood yihiin kuwo turkiga ku riixaya inuu soo dadajiyo qorshihiisa hubka nukliyeerka.
Turkiga qorshaan wuxuu la kaashan doonaa Pakistan oo ah wadanka kaliya ee lagu tuhmayo inuu meel marin karo codsi kasta oo ka yimaada turkiga. Hamid oo ah khabiir militari ayaa yidhi sidan “addunku waa goob fowdo, dagaal iyo burbur badan, xaaladdaan beladu isbiirsatay waxaad u baahantahay xulufo adag, walaalo iyo saaxiibbo. Turkey waa dowladda kaliya ee dadka Pakistan ka ah ay sida indho-la'aanta ahi u taageersanyihiin ayna waxkasta siinayaan, waa in xiriirkan iyo is aaminaadan loo badelaa darbi-difaac oo adag”.
Waxaa kaloo la aaminsanyahay in afarta ama shanta sano ee soo socota in turkiga la imaan doono qorshe dhamaystiran oo nukliyeerka ah.
Abdirasack Hassan Ashkir.
SEP 7,2020.
Reference:
https://quwa.org/2020/02/16/pakistan-and-turkey-look-to-deepen-defence-ties-2/.
http://www.defenceturkey.com/en/content/turkish-defense-aerospace-industry-2020-first-two-months-performance-3891.
https://www.straturka.com/?s=East+Mediterranean+sea+is+raising.
https://www.un.org/disarmament/wmd/nuclear/npt/#:~:text=A%20total%20of%20191%20States,testament%20to%20the%20Treaty's%20significance.
0 Comments