Duullaanka garoomada beesha Sade.
Gedo.
Waxaan daawaday waraysi ay Aljazeera qaybteeda carabiga la yeelatay madaxwayne Xasan Sheekh, kaas oo meelo badan taabanaya, sida faragalinta Itoobiya, arrimaha amniga ee dalka iyo la dagaallanka kooda Alshabaab. Hadda ma doonayo inaan falanqeeyo waraysiga se hadal koobnaa oo ku jiray ayaan rabaa inaan iftiimiyo. Markuu qodobka faragalinta Itoobiya uu ka hadlayay madaxwaynuhu waxa uu sheegay in Itoobiya ay dalka soo galisay hub sharci-darro ah, ayna sidoo kale dalka meelo kamid ah, gaar ahaan gobolka Gedo, maamulka ayraboorradiisa la wareegtay oo ay ka qaataan lacagaha ka soo xarooda, taasna ay tahay xadgudub iyo duullaan. Haddaba meesha aan u socdo waa inta dambe ee ayraboorrada iyo gacan-ku-hayntooda.
Sida aan wada ogsoonnahay, ilaaya intii ciidamada shisheeye ee nabad-ilaalinta ah ay dalkeenna soo galeen inta badan gegida dayuuradaha ee magalooyinka Soomaalida qaarkood waxa amnigooda wakiil ka ahaa oo hayay ciidamadaa shisheeye, halka maamulka degaanka ama gobolka ay gacan-ku-haynta guud ay hayeen, si guudna haayadaha qaramada midoobay ay maamulka guud ee hawada maamulayeen, kasoo bilow midka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ilaayo kan cirifka koonfureed ee Dhoobley ku yaal. Markaa, maadaama maamulka hawada ee Soomaalida uusan midaysnayn horraanna u shaqa galin, ciidamada shisheeye oo markaa kala dawlado ah asii dallada midowga Afrika–AU–kuhoos shaqeeya waxa ay ciidan ama dawlad walbaba, si iskood ah, halka ay joogaan–maamul goboleedka ama degaanka–iskaga xil saareen in ay amniga garoomada ayagu gacanta ku hayaa. Ilaaya maantadan lama sheegin meel, si kama dambays ah, ciidan gaar ah oo Soomaaliyeed loogu wareejiyay ammaanka garoomada. Garoon walba, markii laga soo bilaabo Hiiraan ilaa Jubbada hoose, mid aysan joogin oo dadka aysan ku baarin ma jiro. Kan Beledwayne waxa saldhig uu ugu yaallaa Jabuuti, kan Xamar way joogaan, kan Baydhabo Itoobiyaanku way joogaan, kan Kismaaayo Kenyaan baa joogaa, wad un…Waxkastaba ka tagoo shisheeyuhu waa kuwa Xasan Sheekh madaxtooyada u hor fadhiya siday amnigiisa u sugi lahaayeen!
Haddaba, waa maxay ujeedka Gedo looga dhigayo meel dalka ka duwan oo la haysto? Gedo ma ciidamo shisheeye oo horay aan u joogin baa yimid?
Sida aan aaminsanahay gobolka Gedo iyo dadka deggan ba waxa si gooni ah loogu bartilmaansanayaa, ma aha jacayl iyo lexjeclo gaar ah oo loo hayo e, waa cadaawad iyo amuuro badan oo isbiirsaday, siyaasad iyo doonitaan xun na ay ka mid yihiin. Dagaallo dhinac walba ah ayaa gobolkan lagu hayay ilaaya burburkii dawladnimadii Soomaalida, kan garoomada ee hadda lagu wadana qayb ayuu ka yahay. Su'aalaha aan ku noqdo e, gobolku, si guud, dalka Soomaaliyeed ayuu la mid yahay dhan kastaba, wax gooni ah oo kaligii ku gaar ah ma jiraan, Xamar iyo degaannada kale waxa ay qabaan ayuu la qabaa. Ciidamo cusub oo aan ahayn kuwii awalba si lamida dalkoo dhan joogay oo hadda yimid ma jiraan. Balse waxa loo beegsanayo wax kale ma aha e waa inta aan kor ku xusay iyo in siyaasado qurun ah iyo wax dadka deggan aan dan u ahayn la doonayo in laga hirgashado.
Hadalkaa madaxwayne Xasan Sheekh ee ah gobolka Itoobiya ayaa haysata ayadoo laga duulayo ayaa la rabaa in cunaqabatayn xagga duullimaadyada ah lagu soo rogo gobolka, awoodda dawladnimadana loogu awood sheegto. Haddii lagu andacoonayo ciidamo shisheeye ayaa jooga, Xamar ba way joogaan, oo weliba, waxkale iska daaye, madaxtooyada ayay joogaan. Midna ogoow oo safaaradda Itoobiyaanka dadka lagu shaabadaynayo waxa ay ku dhextaal madaxtooyada!
Galgaduud.
Markii dadku ay maqlaan Galgaduud waxa judhii ba kusoo dhacaysa qabaa’illo aanooyin, iyo dhul-kala-riixasho isku dilaya, iyo dagaallo kaloo siyaabo badan ku salaysan, waana wax soo-jireen ah oo muddo aad u dheer soo taagnaa oo dadku aysan la amakaagayn. Se waxaa soo korodhay hadda oo dadka irkig iyo dhakafaar ku noqday in arrimihii bulshada ee cidna dan gaar ah u ahayn ee caamka ahaa la qabiileeyo oo dagaallada qabaa’ilka ka dhex dhaca lagu lammaaniyo ayadoo qolo gaar ah la isleeyahay hallagu cabburiyo. Ku dhawaad saddex sano beesha Sade waxa ay si iskood ah ugu dhisanayeen garoon diyaaradeed degmada Balanballe. dawladda fedraalka ah iyo midda maamulka ay ka midka yihiin ba wax taageero ah ama garab-istaag ah kuma aysan biirin, taa iskaba daaye waxa ay isku kaashadeen sidii ay u boqna goyn lahaayeen dedaalkaa bulsheed. Waxay geed dheer iyo mid gaaban u koreen sidii ay u joojin lahaayeen dhismaha garoonkaa, hadduu istaagi waayana ay sharci iyo shaati dawladeed ugu isticmaalaan in uusan shaqayn. Waxkastoo hagardaamo ah oo jirtay dadka degaanku waxa ay ku guulaysteen in ay dhismihii soo gabagabeeyeen oo ay ka soo gudbeen jallaafooyinkii loo dhigay. Se hal siriq ayaa laga baxsan waayay, waana shaatiga maamulka Dhuusamareeb iyo ganacsato sidaan horay u sheegay adeegii bulsheed kula milmay dagaallada qabaa’ilka. Maalintii la soo idleeyay hawsha ilaaya in muddo ah waxa la sugayay maamulka Dhuusamareeb sidii uu u xarig jari lahaa garoonka se dhegaha ayay ka furaysteen. Balse muran badan kaddib qolodii maamulka iyo wafuud kale waa ay yimaadeen, bishii Agoosto 16keedi ayaana si rasmi ah loo furay garoonka oo la isla qaatay inuu hawl galo. Nasiib darrase, waa qorshe la isla ogaaye, waxaa labo maalin kaddib meel garoonka u jirta 15 km muuqaal looga soo duubay maleeshiyaad mooryaan ah oo sheeganayay in dhulka garoonku ku yaal ay ayagu leeyihiin markii la dhisayayna aan wax laga waydiin, sidoo kalana ay garoonka deris la yihiin oo xoolahoodu ay aaggiisa u daaq tagaan sidaa daraadeed na aysan yeeli doonin in uu shaqeeyo, waxa ay intaa ku dareen in ay falal kaloo gurracan la imaan doonaan. Maalin kaddib waxa ay halkaa ku dileen gabar iyo dhallinyaro guryahoodi joogay. Maamulkii Dhuusamareeb wax tallaabo ah kama qaadin maleeshiyaadkaa oo ma soo qaban gacan-ku-dhiiglayaashii, iska ba daa soo qabasho e, ganacsatadii diyaaradaha lahaa iyo ayagii waxa ay joojiyeen in diyaaradihii ay ka degaan garoonka ayadoo marmarsiyo laga dhiganayo maleeshiyaad ayay u xirantahay, hadda waa maleeshiyaad jooga 15 km meel u jirta garoonka!
Dadku degaanka kolkay dhagartaa arkeen waxa ay Soomaali iyo caalamka ba u caddeeyeen in ayraboorka Balanballe uusan u xirnayn maleeshiyo e uu u xiranyahay rag shaati dawladeed gashan oo maamul isku-sheeg ah iyo ganacsato.
Sidoo kale dhowr maalmood kahor dagaal ka dhacay meel Caabudwaaq u jirta 30 km waxaa garoonka Caabudwaaq si la mid ah sida kan Balanballe ugu goodiyay maleeshiyo kuwaas oo sheegay in ay xireen ayna wax diyaarad ah ka dagi karin, hadda ogow masaafo aan dhawayn ayay u jiraan garoonka waxa ayna sheegayaan in ay awood u leeyihiin in ay xiraan. Tolow sidee bay ugu suurta galaysaa? U suurta gashay oo ayagu afkay ku hadleen e miskaxda wax joojinaysa waa tan uu u xiranyahay ayraboorka Balanballe.
Haddii ay dadku qaar ku doodayaan ama marmarsiiyo laga dhiganayo carradu waa carro colaadeed oo sidaa ayaa ay diyaaraduhu iyo ganacsatadu u diideen in ay ka degaan garoomada Balanballe iyo Caabudwaaq, wax maangal ah oo loo qaateen ah ma aha, waayo? Galgaduud oo dhan ayaa ay maalin timaadaba xabbad ka dhacdaa wax diyaarad ah oo istaagana ma aannan arkin se labadaa degmo waxa u gaar ah ma aan garan. Dhuusamareeb waa caasimadda maamulka Galmudug asagoo Shabaabku ay hoobiyaha iyo qaraxa ku wadaan ayuu shaqeeyaa, maalin na ma hakan duullimaadyadeedu. Bal Soomaaliyeey maxaa ku gaar ah gobollada iyo degaannada Sade?
Gabagabadii, beesha Sade tiro iyo tayo midna kuma yaro ee weli waxaysan ku baraarugin dagaalka noocyada badan ee haysta. Wacyiga maanta ee Soomaalidu ay ku jirto iyo xeerka ay ku dhaqmaan ayaa ah: ishiis laga arkaa ushiisa lagu garaacaa. kolkaa in ay tallankeedi galaan weeye sharcigaa Soomaalida u yaal sidii ay ula falgali lahaayeen. Ma lihi miskiin miskihiisa halla fuulo se wixii dulmi ah in laga dhiidhiyaa weeye. Waxa la yiri adoon qori haysan haduu nin qori kugu calcaliyo ogoow hub buu kuu gaday e, taa ayadoo laga duulayo, waana midda ugu muhiimsan e, waa in isku-filnaasho laga gaaro adeega bulshada ee dadyowga kale loo daba fadhiyo, sida diyaaradahan maalintii la rabo la ceshanahayo maalintii kalana naloogu soo ganacsi tegayo.
Cabdirisaaq Xasan'oog
Muqdisho, Sept, 2024.
0 Comments