Dhagaxaan, kahor intaan la kala iibsan, waxaa dhawr jeer isku dagaalay dadka degaanka ceel-cali iyo ururka alshabaab. Dagaallo badan kaddib waxay ururku ku guulaysteen inay soo rartaan oo ugu dambayn ay iibsadaan. Sidaas oo kale waxaa la sheegaa in xilliyadii ciidamadii nabad ilaalinta ee UNSOM ay joogeen la isku dayay in dhagaxaan la qaato, gaar ahaan kuwii ka socday dawladda Canada, se dadka degaanka oo ka dagaalamay kana dhiidhiyay ma ayna suuroobin. Baaritaan lagu sameeyay dhagaxaan waxaa la sheegay in 25,000 oo sano kahor uu ka soo dhacay cirka. Dhererkiisa waa 1.9m, ballaciisu waa 0.85, joogiisu waa 0.9m, cufnaantiisana waxaa lagu qiyaasay 7.5g/cm3.
Gacan ku dhigiddii dhagaxan maalmo iyo bilooyin kaddib shanqartiisi iyo hadal hayntiisi waa ay yaraatay, waxaana la is lahaa maadaama gacan dawladeed uu galay gacan aamin ah ayuu ku dambeeyaa. Balse saddex sano kaddib jaamacad Canada ku taal oo la yiraahdo Alberta University ayaa maqaal ay daabacday ku sheegtay in dhagixii Ceel-cali sample ay ka qaadeen ka heleen macdan aan dunida horay u oollin. Baaritaanno in muddo ah socday kaddib Alabama waxay shaaca ka qaadeen ugu yaraan labo macdan (Mineral) oo ku cusub meerahan aan ku noolnahay—Dhulka. Waxaana labada macdan loogu kala magac daray degaankii dhagaxa laga soo helay iyo saynisyahankii lahaa soo shaacbixintooda. Waxa ayna kala yihiin: elaliite iyo elkinstantonite.
Xogtaa hordhaca ah haddaan intaa kaga gudubno dadku waxa ay iswaydiinayaan Maxay faa’ido ah buu leeyahay dhagaxaan? Sida dadku badankood ay maleeyaan dhagaxaanu ma macdaan baa mise?
Se waxaan qabaa intii aannan arrimahaa ka hadal horta inaan isla yara fahanno Muxuu ahaa dhagaxaan afka qalaad lagu yiraahdo “Meteorite”?
Cilmiga jiyoloojiga ah marka la joogo Meteorites waxaa lagu qeexaa in ay yihiin dhagaxaanta fagaagga(Space) ee ku soo dhaca dhulka. se dhagaxaanta laga helo dhulka oo kale maaha oo waxay uga duwanyihiin dhinacyo badan oo ay ka mid tahay da’da IWM. Meteorites ka waa isha kaliya ee aan wax uga ogaan karno caalamka naga fog sida meerayaasha, dhadhaabyada (asteroids), iyo mararka qaar kawnka(Cosmos). Si guud, Meteorites ka waxay asal ahaan ka yimaadeen dhadhaabyo burburay muddo fog, waxayna ku samaysmaan aag loo yaqaan Asteroid-belt oo ah seere u dhaxeeya meerayaasha Mars iyo Jupiter.
intaa kaddib haddii aan ku laabanno waydiimihii kore ee ahaa muxuu dhagaxaan qiimo leeyahay? iyo, ma macdaan baa mise?
Sida caadiga ah meteorites ka labo qoloba waxa uu u leeyahay faa’ido, dadka soo aruuriya ee ka shaqaysta (Collectors) iyo culimada [gaar ahaan jiyoloojiga] ee wax baara. Kuwa hore waxa uu u leeyahay qiimo lacageed (Financial value). Se qiimahaasu maaha mid sidaa u badan, waayo sida caadiga ah Meteorite ku maaha mid caalami ahaan ka mid ah dhagaxaanta aadka u qaaliga ah (valuable rocks). Caadiyaan marka la iibinayo ee uu suuqa yaallo waxa lagu iibiyaa miisaanka uu leeyahay(Weight). Dhagaxaan waxa qiimo lacageed oo yar ama badan u yeeli kara ayaa ah naadirnimada dhagaxa noociisa, degaanka laga helay, u dulqaadashada xaaladaha kala duwan ee dhulka, iyo sida ay u kala qurux ama muuq wanaagsan yihiin.
Qoloda wax daraasaysa [gaar ahaan jiyoloojiga] waxa kaliya ee ka quseeya meteorites ka waa in ay ogaadaan ama baaritaan ku sameeyaan nidaamka cadceedda iyo taariikhdiisa laga soo bilaabo 4.6 bilyan oo sano kahor. in la daraaseeyo meteorites ka waxa ay naga saacidaysaa inaan wax ka ogaanno nidaamka cadceedda iyo qorraxda waxa ka dhaxeeya,iyo sidoo kale saamaynta taban ee uu leeyahay dhagaxani sidii looga gaashaaman lahaa.
Haddaba si guud dhagaxaanta cir-ka-soo-dhaca ah (meteorites) kuma jiraan dhagaxaanta loo raadin badanyahay ee adduunka caqli galka ahayn lagu kala iibsado.
Meteorite-ku ma macdan baa?
Maya weeye jawaabtu. Se waxaad mooddaa dadku inay isku qaldayaan macdanta dhagaxan ku jirta iyo dhagax ahaantiisa. dhagaxaan waxa uu ka koobanyahay ama ku jira macdan aan saa u badnayn, waxa ayna ku noqon karaan kuwo dhulka laga helo ama markaa ku cusub sida kuwa hadda laga helay Ceel-cali Meteorite.
Dhagaxii Ceel-cali marka aan u laabanno waxaa la dhihi karaa dhagax ama hanti soomaaliyeed oo lala lunsaday weeye. Sabab? Marka ugu horraysa qolodii dhagaxaan soo heshay ogaatayna inuu ahaa dhagax cir-ka-soo-dhac ah(meteorite) iyo waliba dadkii degaanka ee waayaha badan gaarka ka hayay waxay mudnaayeen in dawladdu ay ka iibiso oo dadaalkoodi iyo cilmigoodiba aan la qasaarin. Marka ku xigtana la daraaseeyo oo lagu sharfo dadka jiyoloojiga iyo dhulka daneeya ee soomaalida ah, taasna waxay keeni lahayd in guusha shisheeye ay qaateen ay qaadan lahaayeen dadka soomaaliyeed iyo dawladdooda. Tan ugu muhiimsan waxaa weeye dhagaxaan hanti guud oo ummadda soomaaliyeed ka dhaxeeya ayuu noqon lahaa, oo waxaa la dhigi lahaa matxafka dawladda waxaana u soo dalxiisi lahaa dadyowga dunida ka yimaada iyo soomaalida gudaha dalka joogtaba.
Se lama samayn oo waxaa, sidii caadada ahayd ee waligeedba hantida guud loo boobi jiray, loo dhoofiyay dal kale oo maanta uu iib suge ku yahay, waa china e.
Cabdirisaaq Xasan'oog Ashkir.
Muqdisho, 1 Dec, 2022 .
2 Comments
Waa mahadsnthy lkn waxaan waxba kama jiraan
ReplyDeleteMaxaysan wax ka jirin?
ReplyDelete